SOOMAALIYA MA GUULAYSAN DOONTAA?

XULKA QARANKA KUBADDA CAGTA EE SOOMAALIYA EE KA YAR 17-SANO.

(ALGERIA)-Weli waxa aan ku guda jiraan soo tebintii Tartanka Kubadda Cagta ee Xulalka Qaranka wadamadda Qaarada Afrika ey da’adoodu ka yar tahay 17-ka sano,Soomaaliya waxa ey ka mid tahay wadamadda ka qeybgelaayo tartankaan waxa eyna ku jirtaa Wareega(A) oo ey ku wehliyaan Aljeeriya,Senigal iyo Koongo,waxaane Wareegaan(A) ka soo baxay dalka Senigal oo hadda leh lix dhibcood iyo afar gool,waxa uuna muran ba’an ka jiraa kooxda soo labayn lahayd Senigal, Aljeeriya waxa ey ciyaartay laba kulan waxa ey guulaysatay hal kulan waxa eyna guul daraysatay hal kulan waxa ey leedahay seddex dhicood waxaane lagu leeyayahay hal gool(-1),Koongo waxa ey cayaartay laba kulan waxaa laga badiyey hal kulan waxay gashay barbar dhac waxa ey leedahay hal dhibic waxaa lagu leeyahay hal Gool(-1),Soomaaliya waxa ey cayaartay laba kulan hal waa laga badiyey halne waxa ey gashay barbar dhac waxa ey leedahay hal dhibac waxaane lagu leeyahay Laba Gool(-2),Soomaliya ayaa maanta la cayaareyso Senigal oo kaalinta koobaad uga soo baxday Wareega(A) haddii Soomaaliya ey ku badiso seddex gool iyo waxba(3-0) waxa ey rajo ka qabtaa iney u soo gudubto kulanada soo socd laakinse Koongo haddii ey hal gool uga adkaato Aljeeriya ayada ayaa soo baxayso halka Aljeeriya ey ku soo baxdo barbar dhac iyo badis labadaba. Kulanada maanta oo Jimca ah(5/5/23)-ka dhacaayo waxa ey wada dhacayaan isku saacad (20.00)-pm dalka Aljeeriya,Soomaaliya (10:00)-pm halka North America ey tahay (3:00)-pm waxa eyna ka kala dhacayaan garoonka Nelson Madela kuna yaalo caasimadda Aljeris ey ku wada cayaarayaan Aljeeriya Vs Koongo halka Soomaliya Vs Senigal ey ku wada cayaari doonaan garoonka Maxamed Xamlaawi kuna yaalo magalo ka baxsan caasimadda Aljeris. Kulankii shalay oo Khamiis ahayd(4/5/23)-ka dhacay ayaa waxaa wada cayaaray Mali Vs Kameroon(2-0) waxaa ku adkaaday dalka Maali una gudbay kulanada soo socdo,labadaan dal ayaa waxa ey ka wada tirsan yihiin Wareega(C) kana kooban seddex kooxood(Maali,Kameroon iyo Burkino Faso) waxaa ku afar ahayd kooxdii K/Sudaan oo tartanka laga saaray ka dib markii ey soo safeen shan cayaartooy oo ey da’adoodu ka weyn tahay 17-sano,sharciga ayaa dhigaayo haddii kooxi soo safto wax ka badan afar cayaartooy oo da’adoodu ka weyn tahay 17-sano in laga saarayo tartanka. HALKAAN LA SOCO NATIIJADA KULANAD MAANTA.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

SENITAR NIGERIA U DHASHAY OO …

Next
Next

SWEDEN OO AMARTAY IN LA SOO XIRO…