SOOMAALIYA: “MA AAN QAADAN GO’AAN AAN XIRIIRKA UGU JARNAY ITOOBIYA”

(SAWIRKA)-WASIIR DA’UD AWEYS.

(MUQDISHO)-Iyadoo uu xumaaday Xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Md.Da’ud Aweys wuxuu xaqiijiyey in dalkiisu uusan qaadan go’aan uu xiriirka ugu jaray dawladda Itoobiya,balse uu ka codsaday Safiirka dawladda Itoobiya inuu dalkiisa ugu dhoofo ujeedo wadatashi. Wasiir Da’ud Aweys ayaa intaas ku daray in go’aanka lagu xiraayo labada Qunsuliyadood ee Itoobiya ku kala leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garawe uu yimid iney jawaab u tahay Xadgudubyada joogatada ah ey Itoobiya ku hayso Madaxbanaanidda dalka Soomaaliya. Wasiirku waxa kaloo uu carabka ku adkeeyey in Soomaaliland iyo Puntland ey yihiin laba Gobol oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isagoo u waramaayey Wakaaladda Wararka Carabta. Wasiirka waxa uu intaas ku daray in labada Qunsuliyadood ey Itoobiya ku kala leheed Hargeysa iyo Garawe ey ku shaqeynaayeen Ogolaansho ey ka haysteen Dawladda Federaalka Soomaaliya balse ey meesha ka baxday sharcinimada shaqadooda markii ey Dawladda Federaalka Soomaaliya go’aansatay iney joojiso shatiyadda. Sidoo kale Wasiir Da’ud Aweys ayaa yiri”Waa muhim in Itoobiya Ixtiraamto shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka diblomaasiyadeed ee lagu xusay Axdiga Geneva kaaso lagu maamulaayo laguna xakameynaayo dhaqamada diblomaasiyadeed ee waafaqsan heshiisyada caalamiga ah”. Wasiir Da’ud Aweys isagoo ka jawbaayey su’aal ku saabsan talaabooyinka sharciga ah ee uu wadankiisu ka qaadi karo dalka Itoobiya ayuu yiri”Waxaan diyaar u nahay inaan qaadno dhammaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u ilaalino madax bananideeyna iyo ilaalinta Midnimadeena,halka Aweys carabka ku adkeeyey in xiisadda taagan si deg deg ah loo xallin karo haddii hogaanka Addis Ababa uu joojiyo u dhaqmaadka masuuliyd darrida ah,falalkaas oo aan khatar ku ahayn Soomaaliya oo kaliyah balse Gobolka Geeska Afrika oo dhan. Wasiir Aweys ayaa sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ey ku adkeyd mawqifkeeda ku aadan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah iyo raadinta nabada ku wada noolaanshaha dalalka deriska iyo beesha caalamka. Wasiir Da’ud oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri”Waa ayaan darro in la arko sida ey Itoobiya u danaynayso xeerarka maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo nabadda mandiqadda,beesha caalamkuna waa ey la socotaa xaqiiqadda dhabta ah ee ka jirta dalka Itoobiya oo ey marqaati ka tahay colaadaha socdo,xalka ugu haboon waa in si nabad ah lagu xalliyo dhibaatooyinka jira,laakin madaxda dalka Itoobiya waxay door bideen iney u jeediyaan dareenka iyagoo hurinaayo colaad khatar ah.” “Waxaa laga yaabaa iney Itoobiya balaariso khatarne geliso Gobolka Intiisa kale”. Labada Qunsuliyadood ey Itoobiya ku kala leheed Garawe Puntland iyo Hargeysa Soomaaliland ayaa la xiray waxaane xusid mudan in Telfishanka Qaranka ee SNTV uu khamiistii sheegay in Soomaaliya ey go’aansatay iney xirto labada Qunsuliyadood oo Itoobiya ku leedahay Garawe iyo Hargeysa iyadoo go’aankan uu dhaqan gelaayo marka laga bilaabo maalintaas. Telefishanku wuxuu intaas ku daray in akoonkiisa(X) madal in Golaha Wasiiradda Soomaaliya ey qaateen go’aanka lagu xiraayo labada Qunsuliyadood ee Itoobiya Fargelinta Itoobiya ee arrimaha Gudaha dalka Soomaaliya iyo ku xadgudubka madaxbaanidda dalka”. Telefishanka Soomaaliya ayaa sharaxay in diblomaasiyiinta ka shaqeysa labada qunsuliyadood laga codsaday iney dalka uga baxaan muddo todobaad gudihiisa ah.

ISHA/ARAB.

Previous
Previous

NAOROBI: KULANO U FURMAY DFS IYO MAAMULKA PUNTLAND.

Next
Next

DUQEYN XOOG LEH OO KA DHACDAY BARAAGTA GUR-GUURTE.