NAOROBI: KULANO U FURMAY DFS IYO MAAMULKA PUNTLAND.

(SAWIRKA)-SAFIIR JIBRIIL IYO WAFDIGII PUNTLAND EE NAIROBI.

(NAIROBI)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka bilawdeen kulamo sida la sheegay u dhexeeyo Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socoto maamulka Puntland. Masuuliyiinta ka socoto maamulka Puntland ayaa waxaa Hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka C/risaaq Axmed Siciid iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda Puntland waxaane Xildhibaanadaas ka mid ah Xildhibaan Dhaashane iyo Xildhibaan Axmed Daad,masuuliyiintaan ka socotay maamulka Puntland ayaa maanta shir magalaadda Nairobi kula qaatay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFS ee uu hogaaminaayey Safiirka Dawaladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle. Kulanka maanta ka dhacay Nairobi ayaa waxaa lagu balamay in laisugu yimaado kulan kale kaaso looga gol leeyahay sidii la isugu soo dhaweyn lahaay Madaxweynaha DFS Md.Xasan Sheekh iyo Hogaamiyaha maamulka Puntland Siciid C/laahi Deni. Dhinaca kale, Xidlhibaan Dhaashane iyo Xildhbaan Axmed Daad ayaa todobaadkii hore la kulmay Wasiiro iyo Xildhibaano heer Federaal ah kuwaaso ka wada hadlay hagaajinta Xiriirka DFS iyo maamulka Puntland. Kulamada Madaxda DFS iyo madaxda Puntland ey ku yeelanayaan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa isa soo taraayo xilli Hogaamiye Deni uu sheegay in maamulka Puntland iyo DFS ey xiriirkii kala furteen.

ISHA/DUNIDA.

Previous
Previous

BERRI OO LA DHAMMAYSTIRI DOON SODONKA RAMADAAN.

Next
Next

SOOMAALIYA: “MA AAN QAADAN GO’AAN AAN XIRIIRKA UGU JARNAY ITOOBIYA”