SOOMAALIYA IYO WARBAAHINTA.
Maanta oo ah Isniin kuna beegan 3/5/2021-ka ayaa caalamka oo dhan laga xusaa maalinta saxaafadda waxaane la soo bandhigaa tacadiyadda loo gaysto suxufiyiinta ku kala baahsan aduunka dacaladiisa,dalka sida xun ula dhaqma saxafiyiinta waa dalka Eritereeya oo uu ka taliyo kaligii taliye Afawerke oo cadaadis badan ku haayo shacabka reer Eritereeya mudo ka baddan sodon sano,soomaaliya uu hogaaminaayey afartii sano e la soo dhaafay saaxibka hogamiyaha Eritereeya Farmaajo ayaa waxa eey ka dheceen tacadiyo loo gaystay saxafiyiinta soomaaliyeed,tusaale ahaan afartii bilood ee ina soo dhaaftay DFS waxa eey weerartay in ka badan seddex warbaahineed waxa eeyna xirtay in ka badan soddon wariye,weerarki ugu dambeeyey waxa lagu qaaday warbaahinta Mustaqbal waxaane jirdil ba’an loogu gaystay wariye Bashiir waxaane dhismaha Mustaqbal laga qaatay qalab fara badan eey lahayd warbaahinta Mustaqbal. Maanta oo isniin ah ayuu madaweynaha uu waqti xileedkiisa dhammaday Farmajo martiqaad u fidiyey milkilayaasha warbaahinta madaxa banaan ee ka hawlgasha Muqdisho ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay inuu ahaay in Farmajo maciin biday warbaahinta madaxa banaan si eey ugu sameeyaan dicaayad la xiriirta doorashada soo socoto,inta badan wariyeyaasha ka hawlgala Muqdisho ayaa ah fursad sugayaal dalka isaga carari doono markeey u suuragasho. XIGASHO VOA.