SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS…

(SAWIRKA0-WASIIRADDA SOOMAALIYA IYO TURKIGA.

(ISTANBUL)-Wasiir Bayraktar”TURKIGA WAXA UU YEELAN DOONAA XUQUUQ GAAR AH SI UU U SAHMIYO UNA SOO SAARO HYDROCARBON SEDDEX BALOOGA,OO MID KASTA U TAAGAN YAHAY BEDKIISA 5000-KIILOMITIR OO LABA JIBAARAN”. Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ee dalka Turkiga ALparslan Bayraktar ayaa ku dhawaaqay shalay oo khamiis ahayd in dalalka Turkiga iyo Soomaaliya ey kala saxiixdeen heshiis ku saabsan sahminta Shidaalka laga sameynaayo seddex baloog oo ku yaalo badda Soomaaliya. Wasiir Bayraktar ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu saxiixayey heshiiska sahminta iyo soo saaridda Hydarakaarboonka ee lagu qabtay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga iyadoo uu wehliyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta DFS Md.C/risaaq Cumar Maxamed. Wasiir Bayraktar ayaa shaaca ka qaaday in marxaladda koowaad hawlo Seismic ah oo seddex geesood ah laga fulin doono goobihii loogu talagalay,”Waxaan u direynaa Markab Oruc Reis gobolkaan dhammaadka bisha Sebteembar,horaanta bisha oktoobar”ayuu hadalkiisa raaciyey Wasiir Bayraktar. Wasiirka ayaa sheegay in Markabka Turkiga uu sameyn doono Cilmi-Baaris Seismic ah oo aad u muhiim ah,taaso socon doonto muddo bil ah,waxa eyna horseedi kartaa Sahmin,Qodis iyo suurtagalnimada in la helo.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Previous
Previous

MAGACAABISTA REYSAL WASAARE KU XIGEEN 2-AAD OO FASHILANTAY.

Next
Next

HAWLGAL LAGU SOO QABTAY BAABUUR IYO SHIDAAL OO…