HAWLGAL LAGU SOO QABTAY BAABUUR IYO SHIDAAL OO…
(SAWIRKA)-BAABUURTII LA QABTAY IYO JIIRAGAANADII SHIDAALKA KA BUUXAY.
(GALGADUUD)-Wararka ka imaanayo Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo kuwa degaanka Mesagawaay ee Gobolka Galgaduud ey saakay toogteen dhagar qabe ka tirsan kooxda Alshabaab kaaso lagu qabtay kontaroolka degaanka Mesagawaay,ninka la toogtay kana tirsanaay Alshabaab ayaa watay Qorayga AK-47 iyo Booshash ey ugu jireen rasaas. Dhinaca kale,Ciidamadda ayaa qabtay seddex baabuur oo ah nuuca loo yaqaano Leyla Calawi kuwaaso siday shidaal ku wajahnaay degmada Galhareeri ee G/Galgaduud halkaaso hadda Xarun u ah kooxda Alshabaab ee ka dagaalnta Goboladda dhexe ee dalka,baabuurtaan seddexda ah ayaa lagu qabtay degaanka la yiraahdo Xuseen Cageey,waxaane baabuurta saarnaay Dumar Alshabaab ah una dhallan degaan oo ka soo jeedo degaanadda Koonfurta Soomaaliya. Ciidamadda ayaa sheegay in shidaalka laga soo buuxiyey Jiiragaano gaaraayo ilaa labaatan jiiragaan oo midkiiba qaado 20-Liitar,waxaane hadda baabuurtii iyo wixii saarnaay gacanta ku haayo Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan aaga Mesagawaay. Hawlgaladda ka socdo maamuladda H/shabeele iyo Galmudug ayaa si xawli ah waxa ey uga socdaan dhulka Hawdka ah ee kala qeybiyo H/shabeele iyo Galmudug,waxa eyna Ciidamadda Xooga Dalka Soomaliyeed iyo kuwa degaanka maanta weerareen goobo la sheegay in dagaalamyaal Alshabaab ah ey ku sugan yihiin,dhulka la weeraray ayaa u dhexeeyo degmada Ruun-Nirgood iyo degaanka Cali Heelo ee G/shabeeladda Dhexe. Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen.Dayax oo ku sugan dhulka Hawdka ah ee u dhexeeyo Cali Heelo iyo Degmada Ruun-Nirgood ayaa ka hadlay jabkii MAANTA gaaray kooxda Alshabaab isagaoo dadka degaanka ugu baaqay iney qaataan hubka iskana dhiciyaan Argagixisadda.
ISHA/SNA-RADIO.