SOOMAALIYA IYO SANDUUQA DUBAI OO HESSHIIS KALA SAXIIXDAY.
(SAWIRKA)-WASIIR BIIXI IYO AL-SUWAIDI.
(DUBAI-UAE)-𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 Federaalka 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐚𝐧𝐝𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐮 𝐃𝐮𝐛𝐚𝐢 𝐨𝐨 𝐆𝐨’𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐚 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐝𝐞𝐲𝐦i𝐡𝐢𝐢 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐚 dalka 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚. Wada xaajood muddo dheer soo socday ayaa maanta oo Talaada ah kuna beegan 11-ka Bisha February 2025, ayaa waxaa si rasmi ah heshiis looga gaaray deyntii u dhexeysay Dowladda Soomaliya iyo Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi, heshiiskan ayaa xal looga gaaray dayn dhan $257 Milyan oo doolar , dayntaas oo ay Dowladii Dhexe ee Soomaaliya u qaadatay kuna maalgalisay Mashruucii Warshadii Sokorta Jubba. Heshiiskaan oo ay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Abdu Dubai Md. Mohamed Saif AL-Suwaidi ayaa alaabada u furay in Sanduuqu uu dib ula falgalo ka qeyb qaadashada Mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ka jira iyo helidda maalgalin cusub oo dib loogu maalgelin karo kaabayasha dhaqaalaha ee dalka kuwaas oo baahi wayn loo qabo. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay dadaal xoogan ugu jirtay sidii Soomaaliya ay u heli laheyd Maalgalin iyo horumarin ilaha dhaqaalaha dalka ka dib markii laga cafiyay deymihiii Adduunku ku lahaa. Dhinaca kale, Wasiiradda Maaliyadda Md.Biixi iyo Dhallinyarada iyo Cayaaraha Md.Barre ayaa dalka Soomaaliya ku metelaayo shirka Dawaladaha Adduunka ee World Governments Summit oo ka socdo magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta ka dib markii ey ka cudur daarteen ka qeybgalkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Reysal Wasaare Xams. Dawladda Imaaraatka Carabta oo arrintaas ka carootay ayaa shirka si deg deg ah waxa ey ugu casuumtay Madaxweynaha Soomaliland Md.C/raxmaan Cirro,waxaane Md.Cirro lagu qasbay inuu bixiyo waraysi uusan diyaar u ahayn iyadoo uu hareer fadhiyey Madaxa fulinta shirkadda kireysatay Dekedda Berbera ee DP World Md. Suldaan. Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta oo ka aar gudanaaya DFS ayaa sawiradda Wasiiradda ka socday DFS hoostooda ku qoray Somaliland si ula kac ah.
ISHA-WAKAALADO.