SOOMAALIYA IYO AZERBAIJAN OO HESHIISYO KALA SAXIIXDAY.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO DHIGIISA ALIYEV.

(Baku-Azerbaijan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dhigiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan Mudane Ilham Aliyev, ayaa maanta oo Arbaca ah ku kulmay magaalada caasimadda ah ee Baku, halkaas oo ey ku kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Azerbaijan. Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsaday horumarinta xiriirka Labada dal, iyada oo diiradda la saaray dhinacyada Waxbarashada Tamarta, Amniga iyo khibradaha dhanka maamul. Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa kala saxiixday heshiisyo dhaxalgal ah oo ay ka mid yihiin Kobcinta Iskaashiga Waxbarasho,siinta Deeqo Waxbarasho Ardayda Soomaaliyeed, horumarinta Cilmi-baarista iyo hal-abuurka. Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto Horumarinta Tamarta,gaar ahaan dhinacyada Shidaalka, Gaaska iyo Tamarta la cusboonaysiin karo. Dhinaca Amniga iyo difaaca, labada dal ayaa ku heshiiyay wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan Tababarada Ciidamada, la-dagaallanka Argagixisada iyo tayeynta Hay'adaha Amniga, waxaana la isku afgartay in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, iyadoo la dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaaga. Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ilham Aliyev waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la dhiso madal joogto ah oo lagu xoojiyo xiriirka labada dal, taasoo fududeyn doonta fulinta heshiisyada la saxiixay. Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumay dhiggiisa Azerbaijan Mudane Ilham Aliyev in uu booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya, si loo sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac. Wafdiga Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiradda “Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Md Axmed Macallin Fiqi, Tamarta Md.C/laahi Bidhaan iyo G/dhiga Md.C/qaadir Maxamed Nuur”.ISHA-SNTV.

Previous
Previous

INGIRIISKA OO ADKEEYEY SHARCIGA JINS..

Next
Next

SOOMAALIYA IYO SANDUUQA DUBAI OO HESSHIIS KALA SAXIIXDAY.