SOOMAALIYA IYO SACUUDIGA OO KA WADA HADLAY…

(SAWIRKA)-MASUULIYIIN.

(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Md.Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminaayo Hogaamiyaha Maamulka Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyadda Sacuudiga Md.Suldaan C/raxmaan AL-Marshad,waxa eyna ka wada hadleen sida uu Sanduuqaan kaalin uga qaadan lahaa gaar ahaan arrimaha la xiriira Maalgashiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha dalka. Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii Sanduuqa Horumarinta dalka Sacuudiga uu kaalin muuqata uga geysan lahaa arrimaha Horumarinta iyo Maalgashiga dalka bacdamaa uu Sanduuqu ka mid yahay Hayaddaha sida gaarka ah ula shaqeeyo dawladda islamarkaasne uu qeyb weyn ku lahaa barnaamijka dib haneynta dhaqaalah dalka Soomaaliya kaaso horseeday in dalka Soomaaliya uu gaaro deyn cafin dhammaystiran. Reysal Wasaaraha XFS Md.Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey wafdiga ka socdo dalka Sacuudiga booqashada ey ku yimaadeen Soomaaliya,isagoo xusay in dalka Soomaaliya ey ka jiraan fursado waa weyn oo maalgashi gaar ahaan dhiacyada Beeraha,Kallumeysiga iyo Tamarta.

ISHA-OPM.

Previous
Previous

RW-XAMSE OO LA KULMAY WAKIILKA MIDAWGA AFRIKA.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKII 7-AAD EE GARSOORKA.