MW-XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKII 7-AAD EE GARSOORKA.
(SAWIRKA)-MASUULIYIIN.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud uu maanta Muqdisho ka furay Shirweynihii 7-aad ee Garsoorka dalka iyo dib u eegista iyo dhammaystirka Cutubka 9-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah taaso aas aas u ah helidda nidaam Garsoor oo la jaanqaadaayo baahiyaha bulshada iyo dib u soo kabashada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee sannadihii la soo dhaafay laga gaaray Horumarinta Gasoorka dalka,kuwaaso ey ka mid yihiin Shaqaaleysiinta Hawlwadeeno cusub oo loo maray hanaan tartan furan oo cadaalad ah iyo hirgelinta nidaamka elektarooniga ah ee dacwadaha kaaso si joogta ah loo horumarinaayo si loo dedejiyo habsami u socodka adeegyada garsoorka. “Dawladdu waxay si weyn uga shaqeyneysaa in Cutubka ku saabsan Garsoorka uu noqdo mid sida ugu wanaagsan u qaabeeya arrimaha Garsoorka iyadoo la hubinaayo in Dastuurka uu saldhig u noqdo Garsoor casri ah oo dabooli kara baahidda cadaaladda ee bulshada”. Sidoo kale,Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey sida ey uga go’an tahay DFS dhammaystirka dhismaha nidaam Garsoor oo casri ah,hufan oo ey saldhig u tahay shareecadda islaamka,waxa uuna soo bandhiay talaabooyin lagu xaqiijinaayo oo ey ka mid tahay dhismaha Maxakamadda Dastuuriga ah,sare u qaadida Miisaaniyadda Hayadda Garsoorka iyo baahinta adeega Garsoorka dalka.
ISHA-SNTV.