SOOMAALIYA IYO MASAR OO QORSHEYNAAYO ARRIMO CULUS.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO MW-C/FATAAX EL-SISI.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Masar C/fataax EL-sisi ey kuwada xiriireen khadka telefoonka,labada masuul ayaa ka wada hadlay waxyaabaha ku soo kordhay Gobolka Geeska Afrika eyna ugu horeeyso damaca Dawaladda Federaalka Itoobiya ee ah iney si xoog ah ku degto biyaha dalka Soomaaliya ayadoo horay cunaqabteyn dhinaca biyaha ugu soo rogtay dalalka Masar iyo Sudaan ka dib markii ey Dawladda Federaalka Itoobiiya ey dhisatay biya xireen ey ka dhallinayso xooga korontada. Labada Madaxweyne ayaa isla meel dhigay in la xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada Amniga,Siyaasadda iyo dhaqaalaha si looga gudbo caqabadaha ey Dawladda Federaalka Itoobiya ka wado Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

ISHA/SBM.

Previous
Previous

MIDAWGA YURUB OO TAAGEERAY SOOMAALIYA.

Next
Next

MUUSE BIIXI OO ITOOBIYA U SAXIIXAY SALDHIG CIIDAN INEY KU…