SOOMAALIYA IYO KENYA MIYAA KA HESHIIYEY…
(SAWIRKA)-TAAKEEYE IYO XAASASKIISA.
(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada ey ku kulmaan Soomaalida si aad ah u qabsaday arrinta la xiriirta Zakariye Abesheekh iyo Sufyaan Taakeey,arrintaan ayaa soo jiiday caqliga iyo indhaha dad fara badan oo Soomaaliyeed ka dib markii ey arkeen Hayadda Sirdoonka Qaranka(NISA) oo xabsiga u taxaabtay laba nin oo loo haysto iney taageeraan kooxda ey DFS dagaalka adag kula jirto ee Alshabaab,Zakariye Abesheekh ayaa sida la sheegay lagu qabtay gudaha dalka Soomaaliya isagoo isu diyaarinaayey inuu u gudbo dhulka ey maamusho kooxda Alshabaab,halka Taakeeye isaga laga soo dejiyey Garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Aden Cadde ee magalaadda Muqdisho,labadaan nin ayaa ku noolaay dalka Kenya oo deris la ah Soomaaliya waxa eyna ciidamadoodu ka mid yihiin ciidamadda Midawga Afrika(Atmis) ee ka hawlgala dalka Soomaaliya,hadaba ma waxaa bilaabatay isdhaafsiga dembiilayaasha isaga gudba xuduudyada labada dal mase wax kale ayaa soo socdo oo lagu sugaayo amniga labada dal?
ISHA/VOA-SOMALI.