DOORASHO MAKA DHICI DOONTAA KGS?

(SAWIRKA)-MUCAARADKA KGS IYO MW-ASAN.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in maanta oo Khamiis ah(5/10/23)-ka Muqdisho ey shir jaraa’id ku qabteen Mucaaradka KGS,sababta keentay in Mucaaradka KGS shirkaasi jaraa’id qabtaa ayaa ah in laga filaayey iney maanta u safraan caasimadda ku meel gaarka ah ee KGS Baydhabo balse ey ka baaqdeen safarkoodii. Gudoomiyihii hore ee Baarlamaankii 10-aad Md.Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan oo ku hadlaayey afka Mucaaradka KGS ayaa warbaahinta u sheegay iney dalab ka heleen MW-Xasan Sheekh dalabkaaso ah iney dib u dhigaan safarkooda Baydhabo,waxa uuna sheegay Mursal in MW-Xasan ugu yeeray iney mar kale isugu yimaadaan magaaladda Dh/Mareeb si ey sameeyaan wada tashi lagu gaari karo in KGS ey dhacdo doorasho loo dhan yahay.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO KENYA MIYAA KA HESHIIYEY…

Next
Next

DFS OO KA HADASHAY DAGAALKII SHALAY.