SOOMAALIYA IYO JABUUTI OO KA WADA HADLI DOO..
(SAWIRKA)-WAFDIGA MW-XASAN OO GAARAY JABUUTI.
(JABUTI)-Wararka laga helaayo dalka Jabuuti ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hogaaminaayo in maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaaladda Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ka dib markii uu Martiqaad rasmi ah uu ka helay dhigiisa dalka Jabuuti Md.Ismaaciil Cumar Gelle. Sida laga soo xigto ilo wareedyo ku dhaw Madaxtooyadda Soomaaliya labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doono sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeyo labada dal ee Soomaaloya iyo Jabuuti iyo shacabkooda,waxa eyna diiradda saari doonaan iskaashiga dhinacyadda Amniga,Dhaqaalaha iyo Arrimaha Gobolka Geeska Afrika. Inta lagu guda jiro booqashada halka maalin ah ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaadi doonaa wada xaajoodyo la xiriira danaha wadaaga ah ee labada dal ee walaalaha ah ee Sooaaliya iyo Jabuuti.
ISHA-VILLA SOMALIA.