SHEEKH ADEN MADOOBE OO SHIR GUDOOMIYEY..
(SAWIRKA)-GUDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA SHACABKA.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya hadane ah ku simaha Madaxwenaha JFS Md.Sheekh Aden Maxamed Nuur(Madoobe) uu maanta shir gudoomiyey kulan aan caadi ahayn ey yessheen Gudiga Joogtada ah Golaha Shacabka ee BJFS, kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Gudoonka Gudiyadda ee Villa Hargeysa. Ajendaha kulanka ayaa ahaa Dhaarinta Xubno ku soo biiray Golaha Wasiiradda ee XFS iyo Xubno ka tirsan Gudiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha dalka,waxaane ugu horeyntii garsoore ka tirsan Maxkamada Sare ee dalka uu kulanka ku dhaariyey Xubnaha cusub ee ku soo biiray Golaha Xukuumadda iyo Xubno ka tirsan Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qarabka iyo Soohdimaha dalka. Dhinaca kale,kulanka Gudiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay colaad beeleedyadda kasoo cusboonaaday degaano ka tirsan goboladda dalka, waxaane Gudoomiye Aden Madoobe uu sheegay in wax laga xumaado ey tahay in xilligaan dhiig muwaadiniin Soomaaliyeed aano qabiil loo daadiyo,waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo. Ugu dambeyn,Gudoomiye Aden Madoobe ayaa faray Hayadaha ey quseyso in dadka walaalaha ah ey diriirtu u dhexeyso nabad dhex dhigaan wixii tabasho ah ee jirana miiska wda hadalka lagu dhammaysto.
ISHA-SNTV.