SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA OO KA WADA HADLAY…

(SAWIRKA)-ATMIS.

(ADDIS ABABA)-Wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo uu Hoggaaminayo GEN.Birhanu Jula, Taliyaha Ciidanka Qaranka Itoobiya ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku tegay dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Booqashadan ayaa ka dambeysay ka dib markii ey dhawaan wada shaqeyn laba geesood ah ku yeesheen Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Abiy Axmed, Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya, waqtigii uu ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya inti u dhexeysay 14-ka ilaa 16-ka Febraayo. Intii uu socday Wada-shaqeynta waxaa la isku raacay in dood Farsamo lagu qabto magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Iyada oo laga duulayo tilmaamaha kor ku xusan wafdi uu Hoggaaminayo GEN.Birhanu Jula, Taliyaha Ciidanka Qaranka Itoobiya ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 22-kii Febraayo 2025. Taliyaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka (NISS), Redwaan Xuseen iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Itoobiya. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Amb. C/llaahi Maxamed Cali ayaa Soomaaliya ku soo dhaweeyay Gen. Birhanu Jula iyo Redwan Hussein, waxayna bogaadiyeen iskaashiga xooggan ee labada dal ka dhaxeeya. Madaxda ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda Amni ee Soomaaliya iyo tan Gobolka, waxayna hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo ilaalinta Nabadda, Amniga iyo Xasilloonida Geeska Afrika iyo Qaaradda Afrika. Sidoo kale, waxay ammaan u soo jeediyeen Ciidamada iyo Booliska dalalka ey ka joogaan Soomaaliya (AMISOM)/ATMIS-ka iyo Ciidamada Nabad-Sugidda Soomaaliya ee naf-hurnimada u huray tan iyo 2007-dii nabadeynta dalka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Madaxdu waxay soo dhaweeyeen bilawga Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) waxayna muujiyeen muhiimadda ey leedahay in la sii amba qaado guulihii uu gaaray ATMIS-kii ka horreeyay. Waxay kaloo hoosta ka xariiqeen doorka ENDF ee hawlgallada taageerada Nabadda ee Midowga Afrika. Dooddu waxay iftiimisay sida ey Itoobiya gacan uga geysato Nabadda iyo Xasilloonida Gobolka, iyadoo la aqoonsan yahay dadaallada Diblomaasiyadeed ee Xigmadda leh ee waddanku ku yareeyey khilaaf hore u abuurmay. Waxay kaloo taageertaa dadaalka joogtada ah ee Itoobiya ee ku aaddan la dagaalanka Argagixisada si loo helo Nabad waarta oo ka dhacda Gobolka. Madaxdu waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in si waafi ah loo taageero dadaallada hadda socda ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab, waxayna hoosta ka xariiqeen iney ka go’an tahay iney si wadajir ah isaga kaashadaan ka hortagga Argagixisada. Doorka muhiimka ah ee Itoobiya ey ka geysaneyso Nabadda iyo Xasilloonida gobolka ayaa lagu ammaanay intii ay socdeen doodaha, taasoo muujineysa in ku dhawaaqista Ankara ey ka soo baxday natiijooyin wanaagsan.

ISHA-ENA.

Previous
Previous

SOOMAALILAND OO BILAWDAY INEY TARXIISHO ITOO…

Next
Next

WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY FARANSIISKA.