SOOMAALILAND OO BILAWDAY INEY TARXIISHO ITOO…
(SAWIRKA)-TARXIILKA ITOOBIYAANKA.
(HARGEYSA-SL)-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta oo Axad ah bilowday musaafurinta dadka Itoobiyaanka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga gudaha deegaannada maamulka. Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland ayaa saaka aroortii bilaabay ololaha lagu masaafurinayo dadka Itoobiya u dhashay ee sida sharci-darrada ah ama tahriib ahaan ku soo galay Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa. Ciidamada Ammaanka ayaa lagu arkayay qaar ka mid ah Suuqyada magaalada, halkaas oo ey si toos ah uga fulinayeen hawl-gallo lagu raafayo dadka aan haysan dukumiintiyada saxda ah ee u oggolaanaya joogitaanka Somaliland. Ciidanka ayaa baabuur shabaqle ah ku guraayay dadka Itoobiyaanka ah ee laga qab-qabtay Suuqyada magaalada iyo gudaha Xaafadaha magaalada Hargeysa, kuwaasi oo si sharci-darro ah ugu joogay caasimadda, sida ey sheegeen. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ey xukuumadda Somaliland ku Xakameynayso Muhaajiriinta aan sharciga haysan, iyadoo la adkaynayo Habraacyada Socdaalka iyo Amniga Gudaha. Dadka sharci-darrada ku jooga maamulka ayaa inta badan loo musaafuriyaa sababo la xiriira dhanka Ammaanka, iyadoo maalmihii dambe ey caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka dhacayeen falal Amni darro, kuwaasi oo u badnaa dhaca shacabka iyo Ganacsiyada Dhawaan, maamulka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ka musaafuriyay boqolaal Itoobiyaan ah, xilli uu maamulkaasi ka socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, kaasi oo maraya marxalad xasaasi ah.
ISHA-CAASIMADA ONLINE.