SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA MAXAA KALA HAYSTA.

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO RW-ABIY.

(MUQDISHO)-Maalintii shalay waxa aan idina wadaagnay qoraal ka hadlaayey heshiis la sheegay iney wada galeen Dawladda Itoobiya iyo maamulka Puntland,heshiiska ayaa waxa uu ka dhacay magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya,labada dhinac ee heshiiska wada galay ayaa waxaa kala metelaayey Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Wasiirka Maaliyadda maamulka Puntland ee Soomaaliya. Inta badan heshiiska ayaa ku saabsan dhinacyada dhaqaalaha,Amniga iyo Waxbarashada,arrintaan ayaa waxa ey ka careysiisay Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, shir ey maanta Ooo Khamiis ah ey yeesheen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo aad u culus uuna ka mid yahay mid dalka laga eryaayo Safiirka Itoobiya laguna xiraayo dhammaan Qusuladaha Itoobiya uga furan magaalooyinka Hargeysa Soomaaliland iyo Garawe oo ah Puntland,hadaba Itoobiya maxaa ku qasbaayo waqtigaan iney sidaan ula macaamish dalka Soomaaliya oo ey ka joogaan Ciidamo ka tirsan kuwa Midawga Afrika ee Atmis?

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

DILKII KAABAX OO EY MAXKAMADDU DHEGAYSATAY.

Next
Next

SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA OO LAGA SOO SAARAY..