DILKII KAABAX OO EY MAXKAMADDU DHEGAYSATAY.

(SAWIRKA)-TALIYE QOSLAAYE OO KA SOO MUUQDAY MAXAKAMADDA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Maxkamadda ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta la hor geeyey kiiskii ugu adkaay oo dil ah oo Booliska Soomaaliyeed uu ku lug yeeshay, kaaso ah dilkii Ganacsade Abuukar Kaabax oo laga afduubay degmada Heliwaa laguna dilay degaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho. Dilka Ganacsade Kaabax ayaa waxa uu dhacay bishii Febraayo-2024-ka waane fal dil ah oo aad looga soo shaqeeyey la iskuna dayey in laga qariyo cadaaladda. Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Heliwaa C/fataax Qoslaaye iyo ilaaladiisa gaarka ah ayaana arrintaan ku lug yeeshay,dhinaca kale, waxaa arrintaan dabiray geliyeyne dhaqaale nin magaciisa lagu soo koobay Liibaan kaaso hadda ka maqan dalka baxsadna ka ah cadaaladda. Ragii maanta ka soo muuqday Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa ahaay taliyihii Saldhiga Heliwaa Qoslaaye iyo laba wiil oo kale balse aan ka tirsaneyn ciidamadda Booliska Soomaaliyeed,waxaase la yaab leh in ragii la horkeenay Maxkamadda ey iska diideen iney sheegaan cidda dishay Ganacsade Kaabax balse waxa ey cadeeyeen iney afduubeen Ganacsadaha meydkiisa laga soo helay Garasbaaleey.

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

PUNTLAND OO KA JAWAABTAY ERYIDA QUNSULIYADDA ITOOBIYA.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA MAXAA KALA HAYSTA.