SOOMAALIDA QURBAHA KA TAGTO IYO TURKIGA.
wargayska taageero xukuumadda Turkiga ee la yiraahdi”DAILY SABAH” ayaa maanta oo Talaado ah(7/9/2021)-ka waxa uu wax ka qoray soomaalida ku sugan dalka Turkiga gaar ahaan soomaalida ka kala timid dunidda dacaladeeda,wargayska ayaa qoraalkiisa waxa uu cinwaan uga dhigay”SOOMALIDA QURBAHA JOOGTA AYAA BULAALISAY JIDADKA TURKIGA”waxa uuna wargayska sheegay in qurba joogta soomaaliyeed doorteen ineey dalka Turkiga ka degaan magaalooyinka Ankara iyo Istanbuul.Soomaalida ayaa horay waxa eey uu aadi jirtay markeey qurbaha ka tagaan dalalka Masar,Malaysiya iyo Suuriya laakinse tobankii sano ee ugu dambaysay soomaalida ayaa noqotay kuwa dalka Turkiga u aado Caafimaad,Waxbarasho iyo degaan.XIGASHO DAILY SABAH.