SOOMAALIDA IYO GUURSIGA GABDHAHA REER MAROOKO.
(SAWIRKA)-GABDHAHA REER MAROOKO.
(MOROCCO)-Inteyna badan waxa aan maqalnaa in Wiilal ama Gabdho Soomaaliyeed ey Guursadeen Ajaanib macnaha dad aan u dhalan Soomaaliya,waxaase hadda sii kordhaysa hadal haynta ah in wiilasha dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed kuna barbaaray Qurbaha iney u Guur doontaan dalka Marooko halkaaso sida la sheegay ey ka jirto nolol aad u adag iyo shaqo la’aan haysa dhallinyarada dalkaasi Marooko. Dad fara badan una dhashay Soomaali Qurbaha ku jilba muruxday ayaa dalka Marooko u raadsaday Dumar ey weysada ku dhawrtaan sida nin lagu magacaabo Qanyare oo hadda ku nool dalka Marooko eyna u dhaxday Haweeney reer Marooko ah halkaasine ku leh Meherado kala duwan hadane isu bedelay inuu Soomaalida halkaasi ku soo dhaweeyo hadeey yihiin dalxiisayaal iyo haddii ey yihiin Guurdoon.
ISHA/BBC-SOMALI.