$6-MILYAN OO DOOLAR OOLAGU QABTAY GAROONKA ADEN CADDE.
(SAWIRKA)-SHIRKADA FAVORI EE GAROONKA ADEN CADDE EE MUQDISHO.
(MOGADISHO)-Tan iyo markii ey burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-dii dalkuna kala xaalad jahwareer Amni dhaqaale iyo mid nololeedba ayaa waxaa dalka u soo shaqo tegay Shirkado Ajnabi ah ka dib markii ey arkeen in dalka Soomaaliya ey ka jirto Fursad shaqo iyo dhaqaale ka sameeyn sahlan,hadaba dalka Soomaliya waxa uu xiriir xoogan la leeyahay dalka Turkiga oo aan wada ognahay abaalka uu Turkiga u galay shacabkii Soomaaliyeed ee dhibaateysnaay waqtigii ey jirtay Gaajadda ba’an. Ujeedkaygu ma aha inaan idiin sheego wax aad ogtihiin ee waxa waaye inaan idiin soo gudbiyo dhacdo xanuun badan maantana ka dhacday Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cade ee magaaladda Muqdisho,ka hor inta aan idinla wadaagin dhacdaasi xanuunka badan ayaan rabaa inaan idiin soo gudbiyo warbixin kooban kuna saabsan Shirkada Maamusha Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho ee loo yaqaano FAVORI lagana leeyahay dalka Turkiga. Shirkada Favori ayaa la aasaasay sannadkii 2012-kii waxa eyna Soomaaliya ka shaqo bilawday sannadkii 2013-kii waa sannad ka dib markii la dhisay,shirkadan ayaa waxaa ka shaqeeyo shaqaale dhan 501 ilaa 1000-shaqaale,waa sida ugu qoran boggeeda Internet-ka,maamulka Shirkada Favori ee Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah: (!)-Twesigye David oo ah nin u qaabilsan dhinaca Farsamadda waxa uuna haystaa Shahaado nuuceedu yahay(Diploma of Mechanics),ninkan ayey Shirkadu shaqaaleysay Luuliyo-2013-kii welina waa uu u shaqeeyaa. (2)-Jakcton Mungai waxa uu shirkada u qaabilsan yahay hawlaha dad macaamiisha ah(Customer Service Agent),ninkaan ayey shirkadu shaqaaleysay Noofembar-2018-kii weline waa uu u shaqeeyaa. (3)-Andrian Waitiki waa Madaxa Amniga ee Shirkada Favori ee Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho,ninkan ayey shirkadu shaqaaleysay Feberaayo-2014-kii welina shirkada waa uu u shaqeeyaa,hadaba maxaa maanta oo Axad ka dhacay Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho? Sida ey inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay lacag dhan 6-Milyan oo doolarka Maraykanka ah ayaa la damcay in si qarsoodi ah looga saaro Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho lacagtaan ayaa waxaa boorso ku watay nin u dhashay dalka Turkiga una shaqeyn jiray shirkada laga leeyahay dalka Turkiga ee maamusha Garoonka Aden Cadde ee loo yaqaano FAVORI LLC,ninkan u dhashay Turkiga ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay in la yiraahdo IRVAN. Qaabka la rabay in lacagta 6-da Milyan ah looga saaro Garoonka Aden Cadde ayaa ahaay mid si aad ah loo soo qorsheeyey waxaane ninka weday lacagta 6-da Milyan ah la geeyey VIP-da xafiiskeed korkiisa halkaasne waxaa ku yiilay xafiis ey iska leedahay shirkada Favori ee uu ninkaan u shaqeyn jiray,ninka ayaa laga dhigay nin la soo baaray kuna sugan albaabka hore ee VIP-da waxaane halkaasi loogu keenay Eyga baara boorsooyinka si loogu ekeysiiyo in ninkaan iyo boorsada uu wato ey soo mareen Baaristii rasmiga ahayd,hawsha baarista ninkaan Turkiga ah ee watay lacagta faraha badan ayaa waxaa u xilsaarnaay nin magaciisa lagu soo koobay GOOSAAR waane Madaxa Amniga ee Shirkada Diyaaradaha Turkiga ee magaaladda Muqdisho. Ninkii watay boorsada ey ku jirtay 6-da Milyan ee doolar ayaa loo sahlay inuu lacagtii kala baxo Garoonka Aden Cadde isagoo loo ekeysiiyey inuu yahay nin soo maray dhammaan baaristii garoonka,hase ahaatee IRVAN oo isu arkay inuu ku guulaystay qorshihiisii 6-da Milyan ee doolar ayaa waxa uu u dhaqaaqay dhinaca diyaaradda Turkiga taaso duulimaadkeedu ahaay Muqdisho ilaa Istanbul,Tirada duulimaadkeedu ahaay(TK0647),intaas ka dib maxaa dhacay? Sida caadiga ah Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdsiho waxaa ka hawlgala ciidamo dharcad ah kana wada tirsan Hayadda NISA,ciidamadaasi waxa ey awood buuxda u leeyihiin iney qabtaan wax kasta oo ey ka shakiyaan markeey dalka ka baxayaan iyo marka ey soo gelayaanba,hadaba ninkii u dhahsay dalka Turiga loona soo fududeeyey baarista watayne boorso ey ku jirto 6-Milyan oo doolar ayaa waxaa ku dhegay ciidamaddii dharcada ahayd ee Garoonka Aden Cadde waane wateen isaga iyo boorsadiisii mana la yaqaano ilaa hadda halka ey la aadeen ninkaasi Turkiga ah,dhinaca kale,dhacdaan maanta ka dhacday Garoonka Aden Cadde ayaa waxa ey ku soo beegmeysaa waqti ey soo baxayaan warar sheegaayo in Shirkada Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga loo diiday in loo cusbooneysiiyo heshiiskii ey ku maamulaysay Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho tan iyo marka laga soo bilaabo sannadkii 2013-kii oo hadda laga joogo toban sano.
ISHA/SB-MEDIA.