SOMALIYA OO LA KORDHIYEY WAQTIGA CUNAQABTEYNTA HUBKA…

CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.

(UN)-Tan iyo markii ey burburtay dawladii dhexe ee dalka Soomaaliya sannadkii 1991-dii dalka Soomaaliya waxa uu galay dagaal sokeey oo aad u fool xun waxaane ku dhintay dad aad u fara badan waxaane ku barakacay dad fara badan oo kale kuwaaso hadda ku nool adduunka dacaladiisa,dagaalkaas ka dhacay Soomaaliya ayaa waxa uu sababay in dalka Soomaaliya la saaro cunaqabateyn dhinaca hubka ah sannadkii 1992-dii waane mid saaran ilaa hadda 2022-ka oo waxaa ka soo wareegtay sodon sano,si Soomaaliya looga qaado cunaqabteynta hubka saaran ayey xukuumadihii soo maray Soomaaliya waxa ey isku dayeen ineey wax ka qabtaan cunaqabateyntaan ku raagtay iyo dagaalka kooxda Alshabaab ee aan lahayn dhammaadka.Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay oo ahayd Khamiis waxa ey kordhiyeen mudada ey cunaqabteynta hubka sii saarnaan doonto dalka Soomaaliya waxaane laga dhigay muddo hal sano ah ka dibne la geli doono fadhi kale.Golaha Amaanka Qaramada Midoobay waxa uu ka kooban yahay 15-xubnood kuwaaso shan ka mida ey yihiin xubno joogta ah waane dalalka {USA.FRANCE,RUSSIA,UK,CHINA} tobanka xubnood ee aan joogtada ahayn lana bedelo labadii sanaba mar ayaa kala ah{ALBANIA,BRAZIL,GABON,GHANA,INDIA,IRLAND,KENYA,MEXICO,UAE,NORWAY},tobankaan wadan ayaa kursiga ku fadhinaayo oo kaliyah mudo laba sano ah waxa eyna qaarkood banayn doonaan sannadka 2023-da bisha Janaayo,hadaba waa kuwee dalalka ka horyimid in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka iyo dalalka ka aamusay,wadamadda u codeeyey in Soomaliya aan laga qaadin cunaqqbateynta hubka waa{KENYA,UAE,USA,UK,FRANCE,ALBANIA,INDIA,IRLAND,MEXICO,NORWAY,BRAZIL} wadamadda ka aamusay waa {CHINA,GHANA,GABON,RUSSIA},waxaa wax lala yaabo noqotay dalka Kenya oo dhibaato ey ku haayaan dagaalyahanada Alshabaab ayaa diiday in Soomaliya laga qaado cunaqabateynta hubka,dalka Imaaraatka muxuu u joogaa Soomaaliya haddii uu ka soo horjeedo in hubka loo ogolaado?

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

ARDAY LA HELAY MEYDADKOODA.

Next
Next

DALKA IRAAN OO U HANJABAY DALKA CIRAAQ.