SOMALIA:QARAXYO KA DHACAY MUQDISHO IYO KISMAAYO.
(SOMALIA):Ugu yaraan afar askeri uu ku jiro madaxii amniga ee degmada Dayniile G/Banaadir C/samad Faracadde ayaa lagu dilay qarax caawa ka dhacay degmada dayniile ee G/banaadir waxaane lagu dhaawacay afar askeri oo kale,qarax ayaa ahaay miinada dhulka la geliyo lagana hago meel fog,bartilmaameedka qaraxa ayaa ahaay madaxa amniga degmada Dayniile C/samad Faracade waane uu ku geeriyooday qaraxa, qaraxa ayaa ka dhacay afafka hore ee saldhiga degmada Dayniile ee G/banaadir.Galabnimadii shalay oo Sabti ahayd ayaa waxaa qarax uu ka dhacay degmada Kismaayo oo ah caasimadda ku meel gaar ah ee maamulka J/laand waxaane qaraxaas ku dhintay saraakiil ka tirsan hayadaha amniga maamilka J/land,dhammaan qaraxyadii dhacay shalay ayaa waxaa sheegtay masuuliyadooda kooxda Alshabaab.ISHA WAKAALADO.