SOMALIA Vs ALGERIA SABTIDA.

SAWIRKA XULKA QARANKA K/CAGTA U-17 EE SOMALIA.

(ALGERIA)-Maalinta Sabtida ah ee inagu soo fool leh bishuna tahay 29-ka waxaa dalka Aljeeriya si rasmi ah uga furmi tartanka kubadda cagta ee dhallinyarada da’adoodu ka yar tahay 17-ka sano(U-17),tartankaan ayaa waxaa ka qeybgelaayo ilaa 12-kooxood kana kala socdo 12-dal ey Soomaaliya ka mid tahay,kooxaha ka qeybgelaayo ayaa loo qeybiyey seddex Guruub(A,B&C) Guruub kastana waxaa ku jirto 4-kooxood waane sidaan: Guruub(A)- Somaliya-Aljeriya-Sinigaal-koongo. Guruub(B)-Nayjeriya-Marooko-K/Afrika-Zambiya. Guruubka(C)-Kaameroon-Mali-Burkino Faso-K/Sudan. Kulanka furitaanka oo dhacaayo Sabti-29/4/23-ka ayaa waxaa isaga horimaan doono xulka dalka martida loo yahay ee Aljeriya iyo Xulka Qaranka Soomaaliya waxa uuna ka dhacayaa garoonka Majestic nelson Mandela Stadium kuna yaalo magaaladda caasimadda ah ee Aljeris,garoonkaan ayaa ah midka ey ka wada dhici doonaan dhammaan kulanada Guruub(A) halka kulanada Guruubyada (B&C) ey ka kala dhici doonaan garoomada kala ah Chahid Hamlaoui In Constantine iyo 19-Mai-1956 ee Annaba.

ISHA WARKA SBM.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

ZONE-5 EE GABDHAHA KUBADA GACANTA OO SI …

Next
Next

SOOMALIYA OO GUULO KA GAARTAY.