SOMALIA MA AQOONSAN TAHAY ISRAEL?
(SAWIRKA) XUBNAHA NEGEV FORUM.
(USA)-Sida uu qoray Wargayska AXIOS ee laga leeyahay dalka Maraykanka,waxaane qormadaan wargayska caasimadda Israel ee Tel Aviv uga soo diray wakiil wareedka halkaa u fadhiya ee la yiraahdo BARAK RAVID,wargayska ayaa sheegay in dalalka Somalia iyo Komoros ogolaaden iney saraakiil sare oo korjoogta ah u dirsadaan shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee wadamada xubnaha ka ah Madasha Naqab(Negev Forum),Madshaan ayaa waxaa xubno ka ah wadamada kala ah{Maraykanka,Israel,Masar,Imaaraatka Carabta,Marooko iyo Baxrayn} sidaas waxaa wargayska Axios u sheegay laba sarkaal oo reer Israel ah. Sababta Mawduucaan ayaa ah: Labada dal(Somalia iyo Komoros) oo dadkoodu u badan yahay Muslimiin,waxa eyna labadaan dal xubno ka yihiin ururka Jaamicadda Carabta,labadaan dal ayaan wax xiriir diblomaasiyadeed la lahayn Israel. Sarakiil ka tirsan labadaan dal ayaa si akhlaqeysan waxa ey u diideen iney la hadlaan Israel muddo dhawr sano ka hor ah,waxa eyna waqti dhaw soo booqdeen Israel si qarsoodi ah,sidaas waxaa sheegay saraakiil reer Israel ah. Ka qeybgalka Madasha Naqab ayaa noqon doonto mid dhexdhexaad ah,lehne macno iyo talaabo horay loo qaaday kuna saabsan xiriirka ey la leeyihiin wadamada Carabta ee Naqab xubnaha ka ah iyo Israel.
ISHA WARKA AXIOS.