SIDEE XUSUUSTAY QARAXII ZOOBE?
(SAWIRKA)-QAAR KA MID AH SHACABKII ZOOBE U TEGAY XUSUUSTA ASAXAABTOODA IYO EHELKOODII KU BAXAY QARAXII ZOOBE.
(MUQDISHO)-Dadka reer Muqdisho waa dadka Soomaaliyeed ey soo mareen dagaalo qaraar iyo Qaraxyo loo soo maleegay si aan Arxan lahayn laguna laayey hal doorkooda iyo kuwa indhaha u ah shacabka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,wey xusuustaan oo ma aha shacab hilmaami kara dhibkii ka soo gaaray weerarkii bahalnimada ahaay ee loo adeegsaday Qaraxii Zoobe ee dhacay maanta oo kale 14/10/2017-kii,Qaraxaan ayaa waxa hal mar ku naf waayey dad reer Muqdisha ah oo gaaraayo ilaa 600-qofoof inta la xaqiijiyey meydadkooda waxaane ku dhaawacmay kumanaan kale oo reer Muqdisha ah. Maanta oo ku beegan sannad Guuradii 6-aad ee Qaraxii Zoobe waxaa goobtii uu ka dhacay isugu soo baxay dad fara badan uu ugu horeeyo Duqa Caasimadda Muqdisho isla markaasne ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale iyo dad shacab ah oo xusuusanayo asaxaabtooda iyo eheladooda ku baxay Qaraxii Zoobe. ALLE HA U WADA NAXARIISTO.
ISHA/GOOBJOOG.