SHIR KU SAABSAN AMNIGA SOOMAALIYA OO KA DHACAY…

(SAWIRKA)-SHIRKI ABU DHABI EE AMNIGA SOOMAALIYA.

(ABU DHABI)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay shir muhiim ah loogana hadlaayey Amniga dalka Soomaaliya shirkaaso ey isugu yimaadeen wakiilo ka kala socday dalal dhawr ah. Shirka ayaa waxaa ka qeygalay wufuud ka kala socotay dalalka Qadar,Boqortoyada Ingiriiska,Maraykanka,Imaaraatka Carabta iyo dalka Turkiga,shirkaan ayey ujeedadiisu tahay sidii dalka Soomaaliya looga taageeri lahaay dhinaca Amaanka. “Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii dawladda Federaalka Soomaaliya looga caawini lahaay la dagaalanka Argagixisada iyo isku xirka kaalmada caalamiga ah ee dhanka Amniga ah”sidaas waxaa laga soo xigtay Madaxtooyada JFS. Madaxweynaha Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay shirka ayaa ku nuux-nuuxsaday muhimada ey leedahay Amniga Gobolka Geeska Afrika,lagana fogaado falalka wax u dhimaayo guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Alshabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in la ilaaliyo Madax banaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed,ka dib markii Itoobiya ey heshiis la gashay maamulka la magac baxay Somaliland si ey u galaan badda. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa bishii Diseembar soo saaray qaraar cunaqabteynta dhinaca hubka looga qaadaayo dalka Soomaaliya,cunaqabateynta ayaa dalka Soomaaliya saarneed muddo dhan 30-sano,waxaane cunaqabateynta in la qaado u sabab ahaay codsi ka yimid dawladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta argaixisada alshabaab.

ISHA/ALLAFRICA.

Previous
Previous

WAXKA BEDELKA DASTUURKA SOOMAALIYA MAXAA LOO MACNAYN KARAA?

Next
Next

MIDAWGA YURUB OO QORSHEYNAAYO INUU QAADO…