MIDAWGA YURUB OO QORSHEYNAAYO INUU QAADO…

(SAWIRKA)-JOSEP BORRELL.

(ATHENS)-Midawga Yurub ayaa Qorsheynaayo hawlgal “Difaa oo kaliyah”si uu Maraakiibta ganacsiga uga ilaaliyo Weerarada Xuutiyiinta ee Badda Cas,Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midawga Yurub ayaa sidaas sheegay maanta oo Jimca ah. Isagoo ka hadlaayey shirkii seddexaad ee Wasiiradda Indo-Pacific ee Midawga Yurub ee caasimadda Biljamka ee Brussels,Josep Borrell wuxuu yiri”Carqaladeynta xoriyadda socodka waxay leedahay cawaaqib ka baxsan khasaare dhaqaale.Arrintu ma aha oo kaliyah in maalmaha qaar la kordhiyo ama qaar doolar ka badan ee waa nabad iyo xasilooni”. “Taasina waa sababta,waxaan si firfircoon ula shaqeyneynaa saaxibadayadda caalamiga ah si loo soo celiyo amaanka Badda Cas. Waxaan horay u sii wedeynaa shaqada hawlgalka cusub ee Badda Cas oo aan ugu yeerno ASPIDES,waa magac Qadiimi ah kana yimid luqadda Giriiga loona jeedo “Gaashaan”ayuu raaciyey hadalkiisa. Si kastaba ha ahaatee,Borrell ayaa hoosta ka xariiqay in hawlgalka uu ka duwan yahay hawlgalka ilaalinta Barwaaqadda ee uu hogaaminaayey Maraykanka kaaso ey ku jireen weerarada ka dhanka ah Bartilmaameedyada Xuutiyiinta dalka Yeman. “Ujeedku ma aha inaan qaadno nuuc kasta oo weerar ah balse waa inaan difaacno oo kaliyah”ayuu yiri isagoo raaciyey in hawlgalka”Waxaan gayn doonaa Badda..” 31-kii bishii janaayo-2024-ka,Borrell waxa uu ku dhawaaqay hawlgal badeed oo loogu magac daray Aspides si ey difaacaan Maraakiibta Ganacsiga ee ku sugan Badda Cas ee weerarada uga imaanayaan kooxda Xuutiyiinta Yeman kaaso bilaan doono 19-ka bishaan Febraayo-2024-ka. Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa tan iyo bishii Noofembar-2023-kii waxa ey bartilmaameedsanayeen Maraakiibta Ganacsiga ee marta Badda Cas gaar ahaan kuwa u socdo Isra’iil. Xuutiyiintu waxa ey sheegeen in weeraradaan ey uga gol leeyihiin in Isra’iil lagu cadaadiyo iney joojiso duqeymaha sababay dhimashada faraha badan ee Marinka Gaza. Taasi waxa ey keentay in dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska iney bilaabaan duqeymo aargoosi ah kana dhan ah Xuutiyiinta gudaha dalka Yeman.

ISHA/AA.

Previous
Previous

SHIR KU SAABSAN AMNIGA SOOMAALIYA OO KA DHACAY…

Next
Next

DALKA BILJAM OO U YEERAY SAFIIRKA ISRA’IIL,SABABTU?