SHIL BAABUUR OO KA DHACAY DALKA HOLLAND.
BAABUUR SHIL KU GALAY HOLLAND.
(HAGUE)-Dhimashada ka dhalatay gaari xamuulka qaada oo soo goostay fariinka ayaa dadaray goob eey dad shacab ah cunto ku karsanaayeen waqooyiga Rotherdam ee dalkaasi Holland,dhimashada ayaa gaartay ilaa lix qofood maanta oo Axad ah. Booliska ayaa sheegay ineey jiraan todobo qofood oo kale uu soo gaaray dhaawac mid ka midana eey aad u liidato xaaladiisa caafimaad,dadka shilkaas ku dhinta ee lixda ruux ah ayaa seddex ka mida waxa eey yihiin Rag halka seddexda kalane eey yihiin Dumar,booliska oo ka hadlay da’ada dadka ku dhintay shilka ayaa sheegay in da’adooda eey u dhexeeyso 28-jir ilaa 75-jir.
ISHA WARKA AP.