SHACAB JAREER WEYNE AH OO LAGU DILAY GARAWE..

(SAWIRKA)-GARAWE.

(GARAWE-PL)-Maamuladda Puntland iyo Soomaaliland ayaa ah labada maamul ee ugu faca weyn inta maamul ee dalka Soomaaliya maanta ka jirta,waxaase wax aad looga xumaado ah in labadaan maamul ee qadiimka ah ey dhibaateeyaan dhammaan dadka u soo doontay Megengalyadda kana soo jeedo Koonfurta Soomaaliya. Tusaale ahaan maamulka Soomaaliland waxa si cad uga soo tarxiilay degmada Laascaanood dhammaan dadkii ka soo jeeday maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaaso halkaas ku lahaay goobo Ganacsi iyo goobo ey ka soo saartaan nolol maalmeedkooda. Hadda arrinku ma joogto Soomaaliland ee waxa aan rabnaa inaan sheego tacadiga loo gaysto dadka ka soo jeedo Koonfurta Soomaaliya kuna sugan magaaladda Garawe ee caasimadda u ah maamulka Puntland, in la bartilmaameedsado dadka ku abtirsada Jareer-Weyne waxa ey Garawe ka tahay wax iska caadi ah cidna aan loo xirin,maanta oo Talaada ah waxaa Garawe ka dhacday Toogasho lala beegsaday dad u dhashay Beesha Jareer-Weyne, waxaane goobta ku geeriyooday hal qof waxaane ku dhawaacmay kuwa kale,tacshiiradda lagu furay dadka masaakiinta ah ayaa waxaa ooda ka qaaday askar ka tirsan hayadaha Amaanka Puntland kuwaaso laga soo amray Saldhiga Booliska Degmada Garawe ka dib markii laga war helay in Beesha Jareer-Weyne ey Garawe ugu dabaal degayso Calanka ey sameysteen Beesha Jareer-Weyne. Puntland ayaa ku faanta in degaankeeda yahay degaan Soomaali oo dhan ey ku nooshahay balse Puntland ma ogola iney oofiso xaqa uu leeyahay Mawaadinka Soomaaliyeed ee aan u dhallan degaankooda balse ku nool.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

FADEEXAD SOO WAJAHDAY QOYSKA BOQORTOOYADDA NORAWAY.

Next
Next

JUBALAND OO DOORASHO U JIHEYSATAY.