FADEEXAD SOO WAJAHDAY QOYSKA BOQORTOOYADDA NORAWAY.
(SAWIRKA)-MARIUS BORG HOIBY.
(OSLO)-Dawladda Norway ayaa sheegtay in wiilka ugu weyn oo ey dhashay dhaxal sugtada Boqortooyada Norway in loo xiray fal KUFSI ah Isniintii shalay ahayd, waa sida ey sheegtay Xukuumadda Norway,waane eedeymihii ugu dambeeyey oo fadeexad ku ah Qoyska Boqortooyadda Norway. Marius Borg Hoiby oo ah wiil ey dhashay haweeneyda u dhaxday Boqorka Norway Mette-Marit ayaa Xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu eedeyey KUFSI horudhac ah habeenimadii Isniinta,Booliska magaaladda Oslo ee caasimada ah ayaa sidaas ku sheegay War-Saxaafadeed. Maamulka ayaa bixiyey tafaasiil yar laakin wuxuu sheegay inuu jebiyey qeyb ka mid ah xeerka ciqaabta ee dalka Norway oo khuseeyo “Galmada qof aan miir qabin ama sababo kale aan awoodin inuu iska caabiyo falka”. Eedeysane Marius Borg Hoiby Qareenkiisa Oyvind Bratlien ayaa Email ku sheegay in Mr.Borg Hoiby aanuu ahayn Dembiile galay dembiga Kufsiga ah. Mr.Borg oo 27-jir ah kuma lahan wax magaca ama shaqo rasmi ah Qoyska Boqortooyadda Norway waayo hooyadiis ayaa waxaa guursaday dhaxal sugaha Boqortooyada Norway Haakon sannadkii 2001-dii.
ISHA-NT.