SEDDEX HORJOOGE OO LAGA DILAY ALSHABAAB.
(SAWIRKA)-MALEESHIYADKA ALSHABAAB.
(CEEL GARAS)-Wararka ka imaanayo Gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi uu dhacay weerar gaadmo ah oo lala beegsaday horjoogayaal ka tirsan kooxda Alshabaab ee ku sugan Galmudug,weerarkaan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay degaanka loo yaqaano CEEL-GARAS waxaane halkaasi lagu dilay seddex horjooge oo muhiim u ahaay kooxda Alshabaab ee ka hawlgasha Galmudug,Horjoogayasha la dilay ayaa kala ah: (1)-Ciise Cali Barre(Toxob),waa nin reer Galhareeri ah soona noqday madaxii xisbadda ee kooxda Alshabaab Gobolada Bay iyo Bakool. (2)-Shuuke Cali Dheeg,madaxii jabhadaha kooxda Alshabaab ee Galmudug waxa uuna caan ku yahay abaabulka jabhadaha kooxda Alshabaab ee ka hawlgala Galmudug. (3)-Olol Cali Guuleed,madaxii jabhada ku dhufo oo ka dhaqaaq ee Galmudug ayuu ahaay,waa ninkii hogaaminayey weerarkii lagu qaaday fariiska Ciidamadda Xooga dalka Soomaliyeed iyo xoogaga degaanka ey ku lahaayeen degaanka Cawsweyne 26/8/23-ka. Dhammaan horjoogayaashaan ayaa halmeel kuwada dhintay ka dib markii ey diyaarad la heshay gentaal halkaasne ey basbeeleen,hogaamiyeyaasha ayaa waxaa la geeriyooday afar nin oo kale kuwaaso ahaay ilaaldooda la socotay markey diyaaraduhu la heleen gentaalka.
ISHA/CAASIMADDA.