SARKAAL SARE OO ALSHABAAB AH OO HOBYO ISKA…
(SAWIRKA)-CABAAS SHEEKHDOON.
(HOBYO-MUDUG)-Wararka ka imaanayo Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaayo in Cabaas Sheekhdoon oo ahaa Madaxii Maaliyadda ee kooxda Alshabaab ee Gobolka Mudug bartamaha Soomaaliya uu maanta oo Isniin ah uu isu soo dhiibay Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed ee ka hawlgala Degmada Hobyo iyo degaanadda hoostaga,sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Taliyaha Booliska Hobyo L/Xiddigle Maxamed Cadceed. Cabaas ayaa saraakiisha ciidanka u sheegay in kooxda Alshabaab uu uga biiray degmada Xaradheere ee isla Gobolka Mudug,waxa uuna dadka shacabka ah ka ururin jiray lacago iyo xoolo nool oo baad ah,Ciidamadda Qaranka ayaa Cabaas mar sii horeysay waxa ey ku dhaawaceen dagaal ka dhacay duleedka degaanka Xinlebi ee Gobolka Mudug balse waa uu ka baxsaday iney soo qabtaan waqtgaas uu dhaawacmay Cabaas. Cabaas ayaa hayadaha Amniga Gobolka Mudug la wadaagay xog ku saasban xaaladda nololeed ee waqtigaan ka jirta gudaha kooxda Alshabaab,waxa uuna Cabaas sheegay inuu u adkeysan waayey xaalada ey ku sugan tahay kooxda Alshabaab ee hadda ku dhuumaaleysaneysa duurka fog,waxa uuna Cabaas xiriir la soo sameeyey Saraakiisha Ciidamadda Qaranka iyadoo looga hortegay laguna soo dhaweeyey aaga degaanka Caad ee koonfurta Gobolka Mudug.
ISHA/SNTV.