MUQDISHO UU KA FURMAY SHIRKII LABAAD EE CULIMADA SOOMALIYEED.

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO WASIIR ROOBOW.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daah-furay shirweynaha labaad ee Culimadda Soomaaliyeed,waxa uuna MW-Xasan tilmaamay in qabsahada shirkan sannadkii labaad oo xiriir ah ey ka marqaati keceyso mudnaanta ey dawladdu siineyso talada iyo tilmaamaha Culimada ee dawlad dhiska Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa so bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dawladnimada Soomaaliyeed isagoo adkeeyey in Culimaddu xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta Argagixisada ey ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dembiyadda ey ku gelayaan magaca diinteyna suuban. “Dawladdu waxay masuul ka tahay ilaalinta jiritaanka dadka iyo dalka,oo ey ugu horeeyaan Diinta,Afka,Midnimada iyo wadajirka,taaso ah dhaxal ey leeyihiin dadka Soomaaliyeed,hadaba Diintu waa waxa koowaad ee aan ku mideysan nahay,waxaana jiro khataro badan,qofka rabaa inuu qeybiyo dadkeeyna hab qabiil iyo mid degaan kuma qeybin karo,waana sababta ey Alshabaab iyo kuwa wadajirkeynu dhibaayo ey u soo mareen dhanka Diinta Suuban ee eynu ku midaysannahay”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xasuusiyey Culimadda Soomaaliyeed ee dalka iyo dibaddaba iney isaga mid yihiin daraasadda ey soo saartay Xukuumadda ee caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ey ka mid tahay Argagixisadda,dawlad nugeylka,gooni u goosadka iyo khataraha bulshadda,wax uuna MW-Xasan ku adkeeyey iney xoojiyaan kaalinta ey ka qaadanayaan arrimhaas. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Ummadda iyo Culimadda Soomaaliyeed uga Tacsiyeeyey Geeridii Shekkh Cismaan Xiddig kaaso door muhiim ah ka soo qaatay faafinta Diinta Islaamka iyo Baridd dadka Soomaaliyeed. Shirkaan ayaa ku soo beegmaayo waqti ey taagan tahay arrin Xasaasi ah kana dhex taagan kooxaha Diimeed ee dalka ka jira sida AL-Ictisaam ee uu hor boodaaayo Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca oo uu horboodaayo Sheekh Soomow,arrinta hadda la isku haayo welina aan loo helin xal waara ayaa ah Qoraalkii uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay Sheekh ka tirsan kooxda AL-Ictisaam lana yiraahdo Ibraahim Ciyaw,Qoraalka ayuu Sheekhu ku duray Kutub uu qoray AUN-Sheekh Cismaan Xiddig oo dhawaan ku geeriyooday Muqdisho,taas ayaa waxa ey ka careysiisay Culimadda Ahlu Sunna Waljamaaca waxaane hawadda la isu mariyey hadalo aad u kulkulul eyna kala jeediyeen Sheekh Soomaw iyo Maxamed Cabdi Umal kuna sugan dalka Kenya caaasimadiisa Nairobi.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

GOLAHA SHACABKA OO SOO GABGABEEYEY DOODII KU SAA..

Next
Next

SARKAAL SARE OO ALSHABAAB AH OO HOBYO ISKA…