SARKAAL SARAE OO REER IRAAN AH OO SOO GAARAY BAQDAAD.
(BAQDAD):Jeneraal sare oo reer Iraan ah ayaa siyaaro ku yimid caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad maanta oo Isniin ah(8/11/2021)-ka ka dib markii la isku dayey in la dilo Raysal wasaaraha dalka Ciraaq Mustafa Al-kaadimi Axadii la soo dhaafy.Dalka Iraan iyo kooxda la xulafada ah ee ree Ciraaq ayaa sheegay ineeysan wax luga ku lahayn Drones-kii lagu weerarar guriga Raysal wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-kaadimi gudaha magaaladda Baqdaad maalintii Axadda,weerarkaas loo adeegsaday Drones-ka ayaa waxaa ku dhaawacmay Raysal wasaare Alkaadimi sida eey maanta oo Isniin ah shegeen laba siyaasi oo reer Ciraaq ah.
Jeneraal reer Ciraaq ah kana mida baarayasha weerarkii loo adeegsaday Drones-ka ayaa tibaaxay in Drones-ka lagu weeraray guriga Raysal wasaare Alkaadimi eey ka soo duuleen bariga casimadda Baqdaad halkaaso eey raad fiican ku leeyihiin maleeshiyaadka reer Ciraaq ah eeyna taageerto dawladda Iraan.Jeneraalka reer Ciraaq ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay weerarkii loo adeegsaday Drones-ka ee lagu qaaday garoonka diyaardaha Arbiil ee ku yaalo waqooyiga dalka Ciraaq bishii Sebtembar-2021-ka,garoonka Arbiil ayaa saldhig u ahaay ciidamadda Maraykanka ee joogay dalka Ciraaq sidaas waxaa wakaaladda wararka ee ASSOCIATED PRESS(AP) u sheegay jeneraalka reer Ciraaq kana mid ahaay baarayaasha weerarkii Drons-ka loo adeegsaday laguna qaaday guriga Raysal wasaare Al-kaadimi maalintii Axada.ISHA AP