DAHAB,DHEEMAN IYO DAROOGO SI SHARCI DARRA AH…..
(BURTUQAAL):Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxa eeysan marnaba rumaysneeyn in xoogaga nabad ilaalinta caalamiga ah yihiin kuwa ka fushadda danahooda gaarka ah dalalka loo dirro,wax badan ayaad maqashay ayadoo la leeyahay garaanka Muqdisho waxaa habeenkii ka duusho diyaad aan la aqoon waxa eey qaaday amaba eey keentay,dadka qaar ayaa ku tilmaamay in diyadahaasi qaadaan waxyaabo muhiim ah lagana soo qoday dhulka soomaaliyeed loona dhoofinaayo si aan sharci ahayn,dalka soomaaliya ma soo marin dawlad adag oo leh awood eey kula xisaabtanto dembiilayaasha shisheeye waayo ayadaaba kaalmo uga baahan mana ah suuragal qofaad u baahan tahay inaad ku shegtid tuug ku xadaayo,hadaba waxaan halkaan idiinku haayaa qiso ka marqaati kacayso in xoogaga nabad ilaalinta yihiin kuwa ka fushada danahooda gaarka ah dalkii loo diro waxaane dhacday in diyaarad ciidamada Burtuqiiska leeyihiin loo isticmaalay in lagu daabulo Dahab,Dheeman iyo Daroogo gudaha dalka Jamhuuryadda Afrikada Dhexe(CAR),ciidamadda dalka Burtuqiiska ayaa waxa eey qeyb ka yihiin ciidmadda qaramadda midoobay(UN)-ka ee dalkaas u joogo ineey ilaaliyaan nabda,waxaane hadda socdo amaro arrintaas lagu baarayo iyo dabagal lagu samynaayo ciidamaddii ku lug lahaay waxyaabahaan laga soo daabulay dalka Afrikada Dhexe.ISHA THE GUARDIAN.