SARAAKIIL QARAX KU DHIMATAY MAAMULKA KGS.
(SAWIRKA)-G/E.MAD DHEERE.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasiirka Gaashaandhiga ee XFS Md.C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) ayaa maanta waxa uu ka tacsiyeeyey geeridii ku timid alle ha u naxariistee G/le. Maxamed Nuur Sheegaw(Mad Dheere). Mad Dheere ayaa ahaay taliyaha Guutada 8-aad ee Qeybta 60—aad ee Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiishii kula shahiiday Qarax miino oo maanta Duhurkii ka dhacay inta u dhexeyso degmooyinka Awdiinle iyo Berdaale ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliyeed xilli ey ku guda jireen waajibaadkooda Qaran. Dadka kale ee halkaas ku dhintay amaba ku dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah Afcadeey Nishaw,Ciise Kuusaw(Dhaawac),Eemid Maad Meera, C/salaan Xaaji Siidaw iyo Xasan Xuseen. Dhinaca kale,waxaa maanta ciidamadda amaanka ee magaaladda Baydhabo ee G/bay isu soo dhiibay laba wiil oo horay uga tirsaneed kooxda ALshabaab lana kala yiraahdo Xuseen Axmed Daahir iyo Xasan C/rashiid,dhallinyaradaan ayaa kooxda ALshabaab ka tirsanaay in muddo ah waxa eyna hadda go’aansadeen iney isaga soo baxaan kooxda Alshabaab,waxa eyna asaxaabtooda kale ee weli ka barbar dagaalameyso kooxda ugu baaqeen iney isaga soo tagaan isuna soo dhiibaan CXDS.
ISHA/SNTV.