CABDULQADIR MUMIN(AKA) OO SHARAXAN…
(SAWIRKA)-HOGAAMIYEYAASH ARAGAGIXISADDA.
(WASHINGTON)-Shabakadda Wararka ee laga leeyahay Maraykanka ee NBC NEWS ayaa maanta oo Sabti ah sheegtay in Maraykanka uu dhammaadkii bishii Maajo-2024-ka ka bilaabay Gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Soomaaliya weerar lagu bartilmaameedsaday Hogaamiyaha Cusub ee caalamiga ah ee Ururka Daacish. Seddex sarkaal oo Maraykan ah ayaa sheegay in Ciidamadda Maraykanka ey duqeynta la beegsadeen Hogaamiyaha Cusub ee caalamiga ah ee Daacish,balse eysan xaqiijin karin Geeridiisa. Dawladda Maraykanka ayaa u aqoonsatay C/qaadir Muumin inuu yahay Madaxa Daacish qeybteeda Soomaaliya,balse laba sarkaal oo Maraykan ah ayaa sheegay in sannadkii hore uu si aamusnaan ah u noqday Hogaamiyaha Guud ee kooxda Argagixisada Daacish. Taariikhdu markeey ahayd 31/5/2024-ka,Taliska Maraykanka ee Afrika(AFRICOM) ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu weerar dhinac cirka ah ku qaaday canaasiir Daacish ah meel ka durugsan 81-Kiiloomitir dhanka Koonfur-Bari kaga beegan magaaladda Boosaaso ee Soomaaliya,eyna ku dileen seddex dagaalyahan oo hubeysan,AFRICOM ayaan bayaankeeda ku sheegin cidda ey weerarka la beegsatay iyo kuwa lagu dilay weerarka. Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka ayaa xaqiijiyey in Marayakanka uu fuliyey weerar ka dhan ah Bartilmaameedka ugu weyn ee Daacish ee Soomaaliya balse waxa uu diiday in magaciisa la shaaciyo,waxa uuna sheegay in Maraykanka uu weli ku hawla yahay xaqiijinta Natiijadda. Maraykanka ayaa sheegay in Muumin uu masuul ka yahay weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya tobankii sano ee la soo daafay oo ey ku jiraan dilkii loo gaystay sarkaal ka tirsnaa Hayadaha Garsoorka oo gurigiisa lagu dilay sannadkii 2019-kii iyo qabsashadii muddo bilo ah magaalo ka tirsan maamulka Puntland sannadkii 2016-kii. Sannadkii 2016-kii, Maraykanka waxa uu ku dhawaaqay in Muumin yahay Aragagixiso caalami ah oo si gaar ah loogu asteeyey,Maraykanka ayaa sheegay in Muumin khatar ku weyn ku yahay inuu sameeyo falal aragagixiso oo khatar ku ah Amniga Mawaadiniinta Maraykanka,Amniga Qaranka,Siyaasadda Dibadda ama dhaqaalaha dalka Maraykanka. Laba masuul oo Maraykanka ah ayaa sheegay in Muumin uu aaminsan yahay inuu yahay Hogaamiyihii ugu dambeeyey ee Kooxda Daacish ee caalamka. Waxaa xusid mudan in bishii Agoosto ee sannadkii hore 2023-kii,Daacish ey ku dhawaaqday iney waqooyiga dalka Suuriya ku dishay Hogaamiyihii afaraad ee kooxda Daacish oo la dhihi jiray Abu AL-Xuseen AL-Xuseen AL-Qurashi. Warkaan ayaa ku soo baxay cod muuqaal ah oo ey baahiyeen Ururka ka dibne lagu xaqiijiyey doorashadda “Abu Xafsa AL-Hashimi AL-Qurashi” oo loo doortay Hogaamiyaha Cusub. Sarkaal sare oo ka tirsan G/dhiga Maraykanka ayaa sheegay in Daacishta Soomaaliya ey aad u yar tahay tiro ahaan,waxa eyna gaarayaan 100 ilaa 200-dagaalyahan kuwaaso dhammaantood ku sugan Waqooyiga dalka Soomaaliya balse ey jiraan kooxo kale oo yaryar oo Daacish ah oo ku sugan qeybo ka mid ah Qaaradda Afrika,sida dalalka Liibiya,Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ah ee Koongo iyo dalka Musambiiq. Sida laga soo xigtay Hayaddaha Sirdooonka Maraykanka, ISIS ayaa weli kumanaan dagaalyahano ah ku haysata caalamka gaar ahaan Waqooyiga dalka Ciraaq iyo Waqooyi-Bari Suuriya.
ISHA/WAKALADDO.