SALWAN MOMIKA OO LAGA XIRAY TIKTOK.
(SAWIRKA)-SALWAAN MOMIKA.
(SWEDEN)-Aaladda TIKTOK-ga ayaa joojisay bartii uu lahaay Salwan Momika oo ah ninkii Gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah tiro ka seddex jeer gudaha dalka Sweden. Saraakiil ka tirsan TIKTOK ayaa xaqiijisay in hawlgab laga dhigay dhammaan waxyaabihii uu ku soo bandhigi jiray barta TIKTOK-ga Momika laguna siin jiray lacagta,sidaas waxaa shalay oo Talaada ahayd sheegay Radio Sweden. Marka laga bilaabo waqtigaan, Momika awood uma lahaan doono inuu isticmaalo Aaladda TIKTOK-ga kuna helo dhaqaale Video-yadiisa uu soo dhigo Aaladda TIKTOK-ga, Video-yada Momika uu soo dhigo TIKTOK-ga ayaa ah kuwa karaamadda looga qaadayo Kitaabka Quraanka Kariimka ah,Video-yada Momika soo dhigo TIKTOK ayaa waxaa ka dhashay banaanbaxyo isdaba jooga ah kana dhacay wadamo Muslimiin ah. Salwan Momika ayaa ku nool dalka Sweden isaga oo ah Qaxooti kana soo cararay dalka Ciraaq,Momika ayaa la hadlay Wakaaladda Wararka ee TT dalka Sweden ka dib markii laga joojiyey TIKTOK waxa uuna Momika yiri”Video-yada Gubidda Quraanka Kariimka ah waxa aan ka helaayey daawadayaal fara badan oo gaaraayo Malaayiin”,waxa uuna Momika Aaladda TIKTOK-ga ka heli jiray dakhli dhan $100 ilaa $300 halkii saacad marka uu si toos ah loo daawanaayo waqtiga uu gubaayo Kitaabka Quraanka Kariimka ah,waxa uuna Momika sheegay inuusan hadda haysan dakhli kale oo aan ahayn kan ka soo galo TIKTOK isagaiina laga xiray.
ISHA/THE WORLD.