SAFIIRKA ISRAEL OO LAGA SAARAY FADHIGA QM EE 78-AAD.
(SAWIRKA)-SAFIIRKA ISAREL EE QARAMADA MIDOOBE.
(NEW YORK)-Safiirka Yuhuuda u fadhiya Qaramada Midoobe Gilad Erdan ayaa laga saaray fadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobe hoolka uu ka socday ee New York ka dib markii uu goobta ka soo muuqday hal nin oo sameynaayo banaanbax lidi ku ah Madaxwynaha dalka Iraan. Sida laga dhex arkay Video la soo geliyey baraha bulshada ayaa ciidamadda amaanka ee Qaramada Midoobe oo sii kexeynayo safiirka Yahuuda u fadhiyo Qaramada Midoobe,waxa eyna ciidamadu safiirka ku ilaalinaayeen banaanka hoolka uu ka socday fadhiga 78-aad. Intii lagu guda jiray hadal jeedinta Madaxweynaha dalka Iraan Ebrahim Raisi ee fadhiga 78-aad ee Golah Guud ee Qaramada Midoobe ayuu safiir Erdan waxa uu kor u taagay warqad ey ku qorrn tahay “Dumarka reer Iraan waxa ey u qalmaan iney xuriyadooda helaan hadda”.
ISHA/AA.