RW-XAMSE OO LA KULMAY GUDIGA DOORASHOOYINKA.
(SAWIRKA)-WASAARADDA QORSHEYNTA QARANKA.
(MUQDISHO)-Reysal Wasaarah Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay Gudiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka isaga oo warbixin ka dhegaystay. Reysal Wasaare Xamse ayaa gudiga la wadaagay sida ey DFS uga go’an tahay in dalka laga hirgeliyo Doorasho Qof iyo Cod ah iyadoo awooda loo celinaayo shacabka si ey codkooda ugu soo doortaan Madaxda Hogaaminaysa. RW-Xamse Cabdi Barre ayaa gudiga kula dardaarmay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu hawlgalo hirgelinta Doorashooyinka dalka si hufan oo cadaalad ku saleysan maadaama uu BJFS dhawaan uu dhammaystiray dhammaan shuruucdii fududeyneysay. Dhinaca kale,Reysal Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda JFS Md.Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Maalgashiga ee XFS si uu ugu kuur galo shaqada muhiimka ah ey Wasaardu u hayso dalka. Md.Saalax ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Md.C/raxmaan Beene-Beene iyo xubno kale kana wada tirsan Wasaaradda. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha horumarineed ee dalka,gaar ahaan kuwa ku saleysan Qorshaha Isbedlka Qaranka(NTP) iyo dadaaladda lagu xoojinaayo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah ee dalka. Md.Saalax ayaa mid mid u booqday Waaxyaha Muhiimka ah ee Wasaaradda kuwaaso ka shaqeynaayo diyaarinta Istaraatiijiyadda Horumarineed iyo kor u qaadista iskaashiga DFS iyo Hayadaha Caalamiga ah. Md.Saalax ayaa amaan u jeediyey shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta Qaranka kuwaaso si xirfad leh ugu adeegaayo bulshada Soomaaliyeed,isagoo ku dhiirigeliyey iney sii wadaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo Himilooyinka Qaranka.
SNTV.