DFS IYO MASAR OO WADA HADAL UGA FURMAY QAAHIRA.

(SAWIRKA)-WASIIR FIQI IYO DHIGIISA MASAR.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Axmed Macallin Fiqi uu shalay oo Axad ahayd uu gaaray caasimadda dalka Masar ee Qaahira,Wasiir Fiqi ayaa halkaas kula leh wada hadallo dhigiisa dalka Masar Badr Cabdul-Caadhi. Wada hadaladda ayaa diiradda lagu saari doonaa sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeyo labada dal Soomaaliya iyo Masar iyadoo xooga la saaraayo horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida Amniga,Siyaasadda,Waxbarashada iyo dhaqaalaha. Xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaa ku saleysan walaaltinimo iyo iskaashi waxtar leh,kaaso qeyb qaadanaya horumarinta labada dal. Dhinaca kale, Wafdi ka socdo Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminaayo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Md.Cali Balcad ayaa maanta oo Isniin ah gaaray caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa si ey u sii amba qaadaan heshiiskii ANKARA ee dhex maray Madaxda labada dal. Ujeedka socdaalka wafdigaan ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an iney xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska ah iyadoo xiriirkaas saldhig looga dhigaayo Ixtiraamka buuxa ee Madax-banaanidda,Midnimada iyo wadajirka dal kasta.

SNTV.

Previous
Previous

RW-XAMSE OO LA KULMAY GUDIGA DOORASHOOYINKA.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO TALYAANIGA OO KA WADA HADLAY…