RW-XAMSE OO KA QEYBGALAY XAFLADII…

(SAWIRKA)-XAFLAD FURITAAN.

(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa xariga ka jaray Xarunta Daryeelka Dhaawacyada iyo Xaaladaha Deg Dega ah ee lagu soo kordhiyey Isbitaalka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Madiina. Reysal Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadiisu hirgelisay xarumo badan oo ey ka mid yihiin Xarunta Keydka Dhiiga oo markii ugu horeysay dib loo hawlgeliyo iyadoo lagu sameeyey dayactir dhammaystiran,Xarunta Gurmadka xaaladaha deg dega ah iyo dhismayaasha xarumaha kala duwan ee caafimaadka,wuxuuna adkeeyey iney ka go’an tahay dhamaystirka dhismaha iyo qalabeynta Isbitaalka Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed. Xaruntaan oo lagu dhisay dhaqaalihii shacabka Soomaaliyeed ugu gurmadeen Musiibadii Qaraxii Zoobe-2,ayaa ka kooban Qeybta Bukaanka lagu daryeelo,Qeybta Dhalmada iyo Qeybta Xaaladaha deg dega ah ee lagu daaweeyo dhaawacyada culus waxayna qeyb weyn ka noqon doontaa Gurmadka xaaladaha deg dega ah. RW-Xamse ayaa u mahadceliyey Gudiga Gurmad Qaran sida ey u maareeyeen dhaqaalihii shacabka Soomaaliyeed isugu gurmadeen isagoo tilmaamay in xarunta qeyb weyn ka qaadan doonto daaweynta iyo daryeelka Ciidamadda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxda Alshabaab.

ISHAOPM.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO CASHO SHARAF U SAMEEYEY…

Next
Next

RW-DHAAY OO KA QEYBGALAY XIL WAREEJIN.