RW-DHAAY OO KA QEYBGALAY XIL WAREEJIN.

(SAWIRKA)-RW-DHAAY OO XILKA U KALA WAREEJIYEY.

(MUQDISHO)-Reysal Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.C/salaan Cali Cabdi(Dhaay) ayaa maanta xilkii u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Md.Xildhibaan Maxamed Aden Geesoosd iyo Wasiirkii hore Md.C/laahi Axmed Jaamac(Ika-jiir). Md.C/salaan Dhaay ayaa ku amaanay Wasiirkii hore hawlihii muhiimka ahaa ee uu ka qabtay Wasaaradda labadii sano ee la soo dhaafay,isagoo Wasiirka cusub kula dardaarmay inuu dadaal dheeraad ah geliyo sidii loo horumarin lahaa Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed,waxa uuna alle uga baryey inuu u fududeeyo masuuliyadda Qaranka ee loo igmaday. Dhinaca kale,Reysal Wasaare ku Xigeenka Labaad Md.C/salaan Dhaay ayaa maanta kormeeray diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaranka oo si habsami ah uga socdo xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyooni, RW-Dhaay ayaa warbixin ka dhegaystay hawlwadeenada hormuudka ka ah. Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Reysal Wasaaraha Md.C/risaaq Cali Ibrahim ayaa warbixin ku saabsan habsami u socodka diyaarinta Qorshaha isbedelka Qaranka NTP siiyey Reysal Wasaare ku Xigeenka,intaa ka dibne waxa uu soo kormeeray Sheybaarka ey shaqadu ka socoto isagoo ka xog waraystay hawsha Qaran ey hayaan. RW-Dhaay ayaa bogaadiyey hawlwadeena isaga oo hoosta ka xariiqay in Qorshahaan uu wax weyn ku soo kordhin doono Soomaaliya,waxaane Ganacsatada uu ugu baaqay iney ka faa’iideystaan oo ey qeyb ka noqdaan diyaarinta Qorshahaan.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

RW-XAMSE OO KA QEYBGALAY XAFLADII…

Next
Next

HESHIIS IS-AFGARAD OO DHEXMARAY SOOMAALIYA IYO..