RW-XAMSA OO MAGACAABAY GUDI…

GOLAHA WASIIRADDA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Habeenimadii shalay oo ahayd Talaado ayaa waxaa shir la isugu yeeray Golaha Wasiiradda ee JFS,shirka ayaa waxaa iclaamiyey Rw-Xamsa Cabdi Barre ujeedada shirka ayaa lagu sheegay ineey ahayd sidii dib loo hawlgelin lahaay Hayadda Maareeynta Mussiibooyinka iyo Gargaarka waxaane dhinac socday gudiga abaaraha,waxaane goobta lagu magacaabay Gudiga abaaraha dalka kana kooban Wasiiro,Ganacsato iyo Culumaa’udiin,liiska golaha Wasiiradda e Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa ka soo dhex muuqday{WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA(fIQI),WASIIRKA CAAFIMAADKA(CALI X.ADAN),WASIIRKA QORSHEYNTA(BEENE-BEENE),WASIIRKA MAALIYADDA(Dr.CILMI),WASIIRKA BEYADDA(KHADIJA AL-MAKHZUMI),WASIIRKA WARFAAFINTA(DA’UUD AWEYS),WASIIRKA HAWEENKA(KHADIJA DIRIYE),WASIIRKA G/DHIGA(JAAMAC) IYO WASIIRKA TAMARTA IYO BIYAHA(JAMAC TAQAL)} Gudigaan ayaa waxaa madax u ah RW-Xamsa Cabdi Barre.Gudigaan ka kooban Wasiiro ka tirsan xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaaneey ka dhex muuqan Wasiiro ka soo jeedo maamulka Puntland waayo wasiiradda ka soo jeedo Puntland waxa eey Wasiiro ka yihiin Wasaarado fuliya adeega Bulshada sida{Arrimaha dibadda,Duulita Hawada,Dekadaha,Boostada iyo Isgaarsiinta},isla fadhigaas dhacay xalay fiidkii ayaa lagu go’aamiyey ineey hawlgasho Hayadda Maareeynta Musiibooyinka iyo Gargaarka waxaane la hoosgeeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha JFS. Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo ah ergayga gaarka ah ee Madaxweyaha u qaabilsan Abaaraha ayaa ka soo dhex muuqday liiska gudiga dardargelinta gurmadka abaarah.

ISHA WARKA SUUQBACAAD MEDIA(SOMALIA).

Previous
Previous

MAXAAD KALA SOCOTAA XARUNTA DHAQAN CELINTA IRSHAAD?

Next
Next

LIBERIA WASIIRO SHAQADA LAGA JOOJIYEY.