LIBERIA WASIIRO SHAQADA LAGA JOOJIYEY.

MADAXWEYNAHA LIBEERIYA.

(JOHANNESBURG)-Madaxweynaha dalka Libeeriya George Weah ayaa maanta oo Talaada ah waxa uu shaqo joojin ku sameeyey seddex masuul oo waa weyn kana tirsan xukuumadiisa kuwaaso dalka Maraykanka uu saaray cunaqabateyn eey ku muteysteen ineey sameeyeen MusuqMaasuq,waxa uuna Madaxweyne George Weah amray in la baaro masuuliyiintaas.Qoraal ka soo baxay Madaxweyne George Weah ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu dib u eegis ku sameeyn doono warbixinta uu saa saaray dalkaasi Maraykanka. Masuuliyiinta shaqo joojinta lagu sameeyey ayaa waxaa ka mid ah Wasiirul dawlaha Madaxtooyada isla markaasne ah madax ilaaladda Madaxweyne George Weah Nathaniel McGill, Qareenka Guud Seyma Serenius Cyphus iyo Agaasimaha guud ee maamulka Hayadda dekadaha Qaranka(NPA) Bill Twehway.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

RW-XAMSA OO MAGACAABAY GUDI…

Next
Next

KANADA IYO ISTICMAALKA DAAWOOYINKA AAN SHARCIGA AHAYN.