RW-XAMSA OO LAKULMAY DHIGIISA K/KOONFUREED.

(SAWIRKA)-RW-XAMSA IYO DHIGIISA K/KOONFUREED.

(SEOUL))-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa la kulmay dhigiisa Kuuriyadda Koonfureed Md.Han Duck-Soo,waxa eyna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo abuuri lahaay iskaashi ku qotoma danaha ey wadaagaan Soomaaliya iyo Kuuriyadda Koonfureed. Labada Reysal Wasaare ayaa isla soo qaaday muhimadda ey leedahay in la abuuro iskaashi ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’iideysi iyadoo diiradda la saaraayo dhinacyadda Farsamadda gacanta,Xirfadaha,Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Teknolojiyadda. Reysal Wasaaraha Kuuriyadda koonfureed Han Duck-Soo ayaa dhaniisa balanqaaday in dalkiisa uu gacan ka siin doono dalka Soomaaliya Horumarinta Adeegyadda Muhiimka ah ee dalka,si bulshada Soomaaliyeed ey uga faa’iideysato. Soomaaliya ayaa la tagtay shir Madaxeedka Kuuriyadda Koonfureed iyo Wadamadda Qaaradda Afrika Qorshayaal cad oo qeyb ka qaadanaayo horumarka iyo dib u soo kabashadda dalkeena hooyo,kuwaas oo ey gacan ka gaysan doonto dawaladda Kuuriyadda Koonfureed.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA XFS OO MUQDISHO KA DHACAY.

Next
Next

UNICEF OO KA DEYRISAY CUNTO XUMIDDA HAYSATA CARUURTA CAALAMKA.