RW-ROOBLE OO KA HADLAY ARRINTA BAASABOORKIISA.

(SAWIRKA)-EX-RW-ROOBLE.

(JOHANNESBURG)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS iney ka Hor istaagtay Baasaboorka Diblomaasiga ah ee uu ku tagi lahaa dalka Koonfur Afrika,Reysal Wasare Rooble ayaa codsigiisu ahaa cusbooneysiinta Baasaboorkiisii hore. Reysal Wasaare Rooble oo Sabtidii la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in isaga iyo Wafdigiisa ey u gudbiyeen codsi muddo 20 maalmood ah Safaaradda Soomaaliya ee Kenya balse codsigooda ayaa noqday mid dib uga dhacday waqtigiisa, taasoo keentay in xubnaha qaar ey ka baaqdaan Safarkoodii ku wajahnaa dalka Koonfur Afrika.Reysal Wasaare Rooble oo ka hadlay arrintaan taagan ayaa yiri”Waxaan la Xisaabtami doonaa Madaxda Qaranka marka aan ku laabto dalka Soomaaliya, waxaana wax ka qaban doonaa dhibaatadii aan kala kulanay Wasaaradda Arrimaha Dibadda”. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFS Md.Axmed Macalin Fiqi ayaa beeniyay in dowladda ey faragelin ku heyso codsiga Rooble. “Waxa aanu haynaa warqaddii aanu u dirnay isaga iyo wefdigiisa 1-dii February, mana garanayno meel laga diiday codsigiisa. Waxaan ka maqalnay baraha bulshada oo kaliya,” ayuu yiri Fiqi. Inkastoo uu muran ka dhashay safarka Rooble, ayaa Khamiistii waxa uu dalka Koonfur Afrika ku yimid Baasaboorka Swedish-ka, oo uu haysto dhalasho ahaan. Waxaa Safarkiisa ku wehliyey wafdi uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdullaahi Carab hadana ah Xildibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee BJFS isla markaasne Mucaarad ku ah Xukuumadda Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, Wasiiru Dowlihii hore ee Qorsheynta Gaani, iyo Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir Xiireey. Kooxdan ayaa la sheegay in ey ku safreen baasabooro Ajnabi ah. Reysal Wasaare Rooble iyo Wafdigiisa ee caqabadda kala kulmay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS ayaa ujeedka safarkoodu ahaa mid Ganacsi iyo iney halkaasi ka soo abuuraan Xisbi Siyaasadeed iyagu ku mideysan yihiin taageerana ka hela Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika,dhinaca kale, rag si aad ey isugu dhaw yihiin ayaa inoo xaqiijiyey in carqaladeynta Baasaboorka Dibolomaasiga ah ee Reysal Wasaare Rooble ey ka dambeeyeen rag ey isku reer yihiin galaangalne ku leh Wasaaradda Arrimaha Dubadda Soomaaliya kuwaaso RW-Rooble u arkay inuu iska weyneysiiyey kana dul booday.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

HESHIIS EY GAAREEN SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA.

Next
Next

GOLAHA WASIIRADDA XFS OO YEESHAY SHIR..