HESHIIS EY GAAREEN SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA.
(SAWIRKA)-SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA.
(MUQDISHO)-WAR-MURTIYEED WADAJIR AH OO KU SAABSAN KULANKA TALIYAASHA CIIDANKA QARANKA EE SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA EE KA DHACAY MUQDISHO. Waxaa Soomaaliya booqasho hal maalin ah ku yimid Taliyaha ugu sareeyo Ciidamadda Difaaca Qaranka Itoobiya Gen.Birhanu Jula iyo Mahaxa Hayadda Amniga iyo sirdoonka Qaranka Itoobiya(NISS) Ridwan Xuseen,labadaan masuul ayaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxa ey kula kulmeen dhigood Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya S/Gaas.Odawaa Yusuf Raage iyo Amb.C/laahi Maxamed Cali Sambalooshe. Kulanka ayaa magaaladda Muqdisho maanta oo Axad ah,waxaane jiray kulanka ka horeeyey oo ka dhacay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Kadib wada-hadal laba geesood ah oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, Mudane Dr. Abiy Axmed, kaas oo ka dhacay Addis Ababa, Itoobiya, 14-16 Febraayo 2025, waxaa la isku afgartay in wadahadal farsamo lagu qabto Muqdisho, Soomaaliya. Iyadoo la raacayo hagida labada hoggaamiye ee labada dal, wafdi uu hoggaaminayo Gen.Birhanu Jula, Taliyaha Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 22-ka Febraayo 2025. Taliyaha waxaa wehelinayay Madaxa Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka (NISS), Redwan Hussein, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa kusoo dhaweeyay Taliye Birhanu Jula iyo Redwan Hussein Soomaaliya, iyagoo bogaadiyay iskaashiga adag ee ka dhexeeya labada dal. Taliyeyaasha ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda Amniga ee Soomaaliya iyo Gobolka, iyagoo xusay muhiimadda ey leedahay in la ilaaliyo Nabadda, Amniga, iyo Xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda Afrika. Waxay si gaar ah u xuseen dadaallada ey sameeyeen dalalka ciidamada ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya iyo booliska ku biiriyay hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM/ATMIS) iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, kuwaasoo naftooda u huray tan iyo 2007 si loo xasiliyo dalka loolana dagaallamo kooxda Al-Shabaab. Taliyeyaasha ayaa soo dhaweeyay bilaabista Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo xusay muhiimadda ey leedahay in laga sii amba-qaado guulihii hore ee ATMIS. Waxay carrabka ku adkeeyeen doorka Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee hawlgallada nabad-ilaalinta Midowga Afrika iyo qaabeynta ciidamada ENDF ee ku howlgali doona AUSSOM. Taliyeyaasha ayaa adkeeyay muhiimadda ey leedahay in si buuxda loo taageero dadaallada haatan socda ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyagoo muujiyay sida ey uga go’an tahay in si wadajir ah loola dagaallamo Argagixisada. Labada dhinac waxay isla garteen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ey noqoto albaabka kaliya ee xiriirka rasmiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la ixtiraamo Madaxbannaanida, Midnimada dhuleed, iyo Wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ey taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo fududeeyo bixitaanka AUSSOM loogana dhigo Soomaaliya mid awood u leh iney si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda Amnigeeda. Heerka xiriirka laba geesoodka ah, taliyeyaasha waxay ku heshiiyeen in la dhiso heshiis ciidan (Status of Force Agreement - SOFA) oo khuseeya dhammaan ciidamada laba geesoodka ah ee ka howlgalaya Soomaaliya, iyadoo saxiixa heshiiska SOFA uu qeyb ka noqon doono heshiiskii Is-afgaradka Amniga (MoU) ee la saxiixay Diseembar 2023.
XOGASHO-RUUSH ABDULLAHI.